Dembi-baarista dalka Uganda oo dad hor leh u qabtay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee Kampala

Kampala, ?August 14, 2013 – Howlo baaritaano ah ayaa mar marba ka dambaysa waxay ka socdaan dalka Uganda, wararka haatan soo baxaya waxay sheegayaan in la xiray 20 qof oo hor leh, kuwaasi oo lagu eedeynayo in ay ku lug-lahaayeen weerarkii 11 July 2010 ka dhacay Kampala.

Kooxaha dembi baarista ee dalka Uganda ayaa shaaciyey in la xiray dad gaaraya 20 ruux oo ku eedeysan in ay lug weyn ku lahaayeen, weerarkii makhayaad lagu daawanayey ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobkii aduunka 2010.

Booliska waxay sheegeen in ay dadkaan xireen kadib baaris-dheer iyo cadaymo badan oo ay ku heleen kadib, war-bixin horudhac ah oo ka soo baxday hay?adaha amniga waxaa lagu cadeeyey in la hayo cadaymo ku filan, ?Mr Ibin Ssenkumbi oo ah Afhayeen u hadlay booliska dalkaas, ?wuxuu shaaciyey in maxkamada la geyn doono dadkan.

Mr. Ssenkumbi oo saxaafada la hadlay ayaa yiri “Ma sugi karno dambiga in loo midoobo lana xiro dadkaasi, ilaa iyo haddana baaritaanada ma ahan kuwo sahlan”

Kooxda Al-shabaab ee koonfurta Soomaaliya ka dagaalanta ayaa sheegtay weerarka ka dhacay makhaayad lagu daawanayey ciyaaraha oo ku taala Kampala, makhaayada waxaa lahaa Ethopian waxaana ku dhintay kuna dhaawacmay dad badan oo goobta joogay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com