HomeUncategorized

War-saxaafadeed:- Gudoomiyaasha Baarlamanka dalalka Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis gaaray

Kampala, August 14, 2013 - Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaan shaqo ku joogaan dalka Uganda ayaa maanta magaalada.

Booliska Serbia oo Dad Soomaali ah xabsiga dhigay
Caawa iyo Daljir, Axad,Jan 6, Axmed Sh Maxamed Tallman ( Daljir Boosaaso )
Barakacayaasha ku sugan nawaaxiga Muqdisho oo mudaaharaad dhigey maanta. [Akhris …]

Kampala, August 14, 2013 – Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaan shaqo ku joogaan dalka Uganda ayaa maanta magaalada Kampala kula kulmay dhigiisa dalka Uganda Hon. Rebecca Alitwala Kadaga.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxaa labada Gudoomiye ay kala saxiixdeen heshiis lagu mataaneeynayo Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda ayadoo heshiiskaasina uu dhabaha u xaarayo iney labada Baarlamaan yeeshaan wadashaqeyn iyo qibrad isweeydaarsi joogta ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda haweeneyda lagu magacaabo Rebecca Alitwala Kadaga oo kulanka ugu horeyn ka hadashay ayaa aad u ammaantay sida uu Baarlamaanka Soomaaliya u shaqeeynayo mudada sanadka ah ee uu jiro ayadoo si gaar ahna usoo qaadatay guullihii uu Baarlamaanku horseedka u ahaa ee ay Soomaaliya ku talaabsatay waxaana ay dhanka kale xustay iney aad ugu faraxsantahay heshiiskan maanta oo ah mid taariikhi ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Dowladda Uganda sida ay had iyo goor u taageereyso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaana uu Gudoomiyuhu dhanka kale xusay in heshiiskan uu yahay mid muhiim ah islamarkaana ay Labada Baarlamaan si joogta ah ugu wadashaqeyn doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo kampala.

?heshiiskan aynu maanta kala saxiixanay waa mataaneynta labada Baarlamaan si ay u yeeshaan iskaashi habeysan iyo isdhaafsi khibrado ayadoo xildhibaan iyo Xildhibaan loo xiriirayo amaba maamul iyo maamul,sidoo kale saraakiisha iyo howlwadeennada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa halkaan imaan doona oo khibrado ka kororsan doona, sababta aan heshiiskan u dooraneyna waxa ay tahay marka aad taariikh ahaan dib u raacdid dalka Uganda waxey soo mareen marxaladdo ay Soomaaliya soo martay amaba ay hada ku jirto weyna ka gudbeen muhiimaduna waa in ayagana aan ka gudubno waayo ayagaba marka ay ka gudbayeen dhibaatada waxey khibrado kasoo qaateen Baarlamaanka dalka Ghana?ayuu saxaafadda ugu sheegay magaalada Kampala Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiskaasi kadib ayaa Gudoomiya Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxey kormeereen dhismaha Baarlamaanka dalka Uganda oo qeybo ka tirsan ay gudiyadu shaqo uga socdeen ayadoo dhinaca kalena xubnaha wafdiga Gudoomiyaha ka mid ah ay iyana khibrad isweeydaarsi la yeesheen xubnaha dhigooda ah ee ka tirsan gudiyada Baarlamaanka dalka Uganda,sidoo kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda waxey qado sharaf maanta u sameysay wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

?DHAMAAD?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: