Booliska Serbia oo Dad Soomaali ah xabsiga dhigay

Arbaco, Abriil 29, 2015 (Daljir) — Hadal ka soo baxay Boliska dalka Serbiya ayaa lagu sheegay inay xireen 15 xubnood oo lagu tuhunsan yahay inay yihiin Mukhalasiin Tahriibayaasha soo geliya dalkaasi.

Mukhalasiinta oo aan magacyadooda la sheegin, balse ay da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 55 jir ayaa shalay loo gudbiyey Xafiiska Baarayaasha dalkaasi oo ku yaalla  caasimadda dalka Serbia ee Belgrade, si loogu sameeyo baaritaano dheraad ah.

Mukhalisiintaasi ayaa la sheegay inay in ka badan 200 oo Tahriibayaal soo geliyeen dalkaasi, iyagoo Qaxootigaasi ka soo gudbiya dalalka Bulgaria iyo Serbia, ka hor intaysan u sii tallaabin dalalka Swden, Britain, Norway iyo Finlad.

Boliska waxay sheegeen in ay Mukhalisiinta ka qaadan jireen Tahriibe kasta lacag dhan Kun Euro, si ay uga gudbiyaan xuduudaha dalalka Serbiya iyo Bulgaria.

Hay’adda Sirdoonka ee dalka Serbia ayaa sheegtay inay muddo dhowr bilood ilaalo ku hayeen Mukhalisiinta la xiray, kuwaasi oo ka hawlgeli jrtey afar Gobal oo ku yaalla dalkaasi.

Dhinaca kale, Hay’adda Midowga Europe ugu qaabilsan Ilaalinta Xuduudaha ee loo yaqaano FRONTEX ayaa sheegtay inay sii kordhayaan Tahriibayaasha u kala dhashay dalalka Somalia iyo Syria ee sida sharci la’aanta ku soo gelayo Qaaradda Europe.

Sannadkii hore, ku-dhawaad 43,360 qof ayaa si Tahriib ah lagu geliyey dalalka ku yaalla Galbeedka Europe.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com