Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo howl-gallo amni sugid ah kawada qaybo kamid ah Muqdisho

Arbaco, Abriil 29, 2015 (Daljir) — Wararka ka imaanaya Degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ay Baaritaan Xalay ilaa Saaka kawadaan Degaanka Ceelasha.

Baaritaanka ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay ugu yaraan 220 Ruux,waxaana Ciidamada ay Dadkaasi ku wadaan kala saarid sida ay noo Xaqiijiyeen Goobjoogeyaal.

Sidoo kale Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Baaritaano ka wada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana Baaritaankaasi  uu yahay mid lagu Xaqiijinayo Amaanka.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomalaiya ayaan wali ka hadlin  Baaritaanka ka soconaya Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com