Dele Alli oo ku Guuleystey abaal marinta PFA Young Player of the Year

HomeCiyaaraha

Dele Alli oo ku Guuleystey abaal marinta PFA Young Player of the Year

Xidig yaraha kooxda Tottenham iyo Xulka dalka England ayaa loo Magacaabay in uu yahay Cayaaryahanka ugu fiican da.yarta ka dheesha Horyaalka dalka Eng

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRaxmaan Yamani (dhegayso)
Xubintii Ciyaaraha: Real oo Ronaldo fasaxday maleegeysana qorshe Neymar iyo H Kane (dhegayso)

Xidig yaraha kooxda Tottenham iyo Xulka dalka England ayaa loo Magacaabay in uu yahay Cayaaryahanka ugu fiican da.yarta ka dheesha Horyaalka dalka England kadib Xaflad lagu qabtay Magaalada London.

Dele Alli oo ah Cayaaryahan aad u Wanaagsan oo ka dheela khadka weerarka ayaa abaal marintaan ku Garaacay Cayaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee Harry Kane iyo Weeraryahanka Everton Romelu Lukaku oo galay kaalinta 3 aad.

Cayaaryahakaan da,da yar ayaa Garoonka White Hart Lane uga yimid Naadiga MK Dons Sanadkii 2015 isaga oo intaa wixii kadanbeeyey ahaa mid Hor u mar Samaynaya isla Markaana muhiim ka noqday kooxdiisa Tottenham iyo Xulka dalka England Waana Sanadkii labaad ee Xiriir ah ee uu ku guuleysanayo .PFA Young Player of the Year.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: