N’Golo Kante oo Loo Magacaabay Xidiga Sanadka ee Horyaalka Premier League-ga

N’Golo Kante oo Loo Magacaabay Xidiga Sanadka ee Horyaalka Premier League-ga

Kubada bur buriyaha khadka dhexe uga dheela kooxda Chelsea iyo Xulka dalka France N’Golo Kante ayaa Goordhow loo Magacaabay Cayaaryahanka ugu fiican dhamaan inta ka dheesha Horyaalka Xiisaha badan ee Premier League.

N’Golo Kante oo hada ka tirsan Naadiga Hogaaminaya Horyaalka dalka England ee Chelsea ayaa Xili Cayaareedkii kan ka horeeyey kula Guuleystey Premier League Naadigiisii hore ee Leicester City isaga oo sidoo kale shaqada ugu fiican ka qabtay khadka Naadiga loo malaynayo in uu qaadi doono Horyaalka ee Chelsea.

Xidigaan ayaa abaal Marinta PFA Player of the Year Waxa uu ku Garaacay Saaxiibkii ay u wada dheelaan Chelsea ee Eden Hazard Waxaa kaloo Tartanka kula jirey oo ka batay Codadkii la qaadaya Cayaartoyda kala ah Harry Kane, Romelu Lukaku, Zlatan Ibrahimovic iyo Alexis Sanchez.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com