Dawladda Qadar oo ciidamo ka qoratay (qoranaysa) Soomaaliya (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Dawladda Qadar oo ciidamo ka qoratay (qoranaysa) Soomaaliya (dhegayso)

Muddooyinkan waxaa dalka Soomaaliya si weyn looga hadal-hayey ciidan qorasho dawladda Qadar ay qoranayso ciidamo Soomaali ah, arrintaas oo lala xiriir

HINDISE SHARCIYEEDKA BATROOLKA DF SOOMAALIYA 2017
NFD Soomaaliya sidee ku noqotay Waqooyi Bari Kenya (dhegayso)
KHILAAFKA MADAXDA PUNTLAND SOO KAAF & KALADHEERI MA AHAN!

Muddooyinkan waxaa dalka Soomaaliya si weyn looga hadal-hayey ciidan qorasho dawladda Qadar ay qoranayso ciidamo Soomaali ah, arrintaas oo lala xiriirinayo xurgufta siyaasadeed iyo xiisadda u dhaxaysa dalalka Khaliijka.

Haddaba si aan wax uga ogaano ammuurtan waxa aan ka warraysaney Xasan Faarax Nuurre oo ah aabbe ku sugan magaalada Caabudwaaq, wiilkiisuna qortay ciidanka Qadar. Nuurre ayaa sheegay in arrintaas ay tahay biyo-kama-dhibcaan, dhallinyarada la askareeyey ee Qadar loo qaadayna uu kamid yahay wiil uu dhalay oo wakhti xaadirkan ku sugan xudduuda u dhexaysa Qadar iyo Sucuudiga.

Bilo kahor ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed saas oo kale loo askareeyey, lagana soo qoray Xamar, Garoowe iyo Hargeysa, la isuguna geeyey Garoowe iyo Xamar, halkaas oo looga sii qaadey dalka Qadar. Tiro lagu qiyaasay 3,000 illaa 5,000 oo Soomaali ah ayaa hadda u qoran ciidanka Qadar, joogana dalkaas.

Xasan Faarax Nuurre waxa uu u warramay Axmed Sh. Maxamed “Tallman” oo ku sugan xarunta Daljir ee magaalada Caabudwaaq.

Hoos ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 4
  • Maxamed amiin ilyaas 12 months ago

    Aniga waxan rawa ina dalka qadar imado ee igu cawiya

  • Maxamed 1 year ago

    Waxaan diyaar u away inan ciisanka kamid noqdo

  • Maxamed 1 year ago

    WaxAn jogaa hargaysa waxaanan rabaa inaana kamid noqdo ciidamada qadar

    • Maxamed amiin ilyaas 12 months ago

      Aniga waxan joga muqdisho waxan rawa ina kamid noqdo cidamada dalka qadar jogo

DISQUS: