Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo howlgal ka fuliyay Diinsoor

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo howlgal ka fuliyay Diinsoor

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka Diinsoor ee gobolka Baay, guddoomiyaha degmada Diinsoor ayaa sheegay howlgalkaasi in lagu qabtay xubno katirsan Al-shabaab oo gaaraya labaatan.

Waxaa uu sheegay deegaanka Rooxaale oo 50 ujirta Diinsoor inuu howlgalkan kadhacay, isagoona sheegay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM inay iska kaashadeen howlgalka.

Guddoomiyaha Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur ayaa sidoo kalle sheegay sadex ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab in lagu qabtay howlgalka oo ay maxkamad ay horkeeni doonaan.

Ciimada AMISOM iyo kuwa dowladda faderaalka ayaa ku sugan gobolada Baay iyo Bakool oo ay kula dagaalamaan Al-shabaab.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com