HomeUncategorized

Dawlada Puntland oo ka mamnuucday madaxda dawlada federaalku in ay yimaadaan Puntland.

Garowe, Jan 22 - Ku xigeenka wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Yusuf Cali Xoosh ayaa sheegay in Puntland ay cunaqabatayn ku soo rogtay madaxda daw

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Kooshin.
DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil.
Jubbaland oo Amaro ku soo Rogtay Hayadaha ka howl-gala Kismaayo

Garowe, Jan 22 – Ku xigeenka wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Yusuf Cali Xoosh ayaa sheegay in Puntland ay cunaqabatayn ku soo rogtay madaxda dawlada federaalka ah, sheegayna in aanay ka soo degi karin madaarada Puntland, aanayna iman karin gobollada Puntland.

Tani waxaa ay ka dambaysay go’aankii dawlada Puntland ay cilaaqaadku ugu jartay dawlada federaalka ah.

Md. Xoosh oo uu waramay saxaafada maxalliga ah ayaa sheegay in xubno ka tirsan dawlada federaalka ah, oo hawl wadeen ugu socda aanay Puntland ka soo degi karin, wada shaqayn la yeelan karin, aanayna iman karin iyaga oo matalaya dawlada federaalka ah.

Waxaa uu intaas ku daray in madaxda gobollada iyo degmooyinka Puntland lagu war geliyey hirglinta amarka ka soo baxay madaxda Puntland.

Waxaa u dhaliilay hadalladii R/wassaare Farmaajo oo ku tilmaamay meel ka dhac loola dan lahaa dhabar jabin.

Waxaa uu sheegay in mawqifka dawlada Puntland uu yahay mid sugan oo wadatashi ku yimid; waxaana uu uga mahadceliyey shacabka Puntland taageerada go’aanka dawlada.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: