HomeUncategorized

Dawlada hoose ee magaalada Garowe oo hakisay hawlihii sare u qaadida bilicada magaalada.

Garowe, Jan 24 - Xog hayaha dawlada hoose ee magaalada Garowe oo ka hadlay hawlaha nadaafadeed iyo sare u qaadida bilicda magaalada ayaa sheegay in l

Warbixin – khasaare ka dhashay doon siday shidaal iyo xamuul kale oo dab ku qabsaday dekedda Bossaso.
Baahin: Khamiis 28 July -2013, Caawa Iyo Daljir, Weriye Khadar Cawl Ismaaciil ~ Daljir ~ Buuhoodle
Booliska Kenya oo xadka ay la wadaagaan dalka Uganda ku xiray ku dhawaad 10 qof oo Soomaali ah.

Garowe, Jan 24 – Xog hayaha dawlada hoose ee magaalada Garowe oo ka hadlay hawlaha nadaafadeed iyo sare u qaadida bilicda magaalada ayaa sheegay in la hakiyey hawlihiii shaqo ee ay waday dawlada hoose.

Md. Qaasim Maxamed Cabdi, xog hayaha dawlada hoose, ayaa sheegay in loo hakiyey hawlaha nadaafada sababo farsamo oo ay ku darsayaan hawlaha ay wadaan, iyo qorshaha guud ee dib u habayneed ee dawlada hoose ay wado.

Md. Qaasim ayaa uga mahadceliyey shacabka magaalada Garowe taageerada iyo dawrkja ay ka qaateen nadaafada iyo bilicda magaalada.

Md. Qaasim waxaa uu sheegay in hawlgallada nadaafadu ay dib u bilaaban doonaan, lana sii wadi doono.

[Waraysi: Xog hayaha dawlada hoose, Garowe – Dhegaysi …]

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka socday magaalooyinka waaweyn ee Puntland hawlgallo amni iyo nadaafadeed oo sare loogu qaadayo bilicda magaalooyinka. Waxaa sidoo kale socda hawlgallo lagu banaynayo, dayactirna loogu samaynayo wadooyinka magaalooyinka.

Hawlgallo kuwan la mid ah ayaa ka socda magaalooyinka Bossaso & Galkacyo.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: