Danjire Nick Kay oo Su’aalo lagu waydiiyay Twitter-ka arimo badan kaga hadlay

Khamiis, Juun 04, 2015 (Daljir) — Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu ka jawaabayey su’aallo ay Aqoonyahannadda iyo Dadweynaha u soo marsiiyeen Barta Twitterka.

Waxa uu tilmaamay inay QM raadinayso xal lagu furdaamiyo xiisadda Xawaaladaha, si ay Soomaalida Qurbo-joogto ugu fududaato lacagaha ay u soo diraan gudaha dalak Somalia.

Nichola Kay waxa uu hoosta ka xariiqay inuu Xafiiska UNSOM muddo labo sanno ah ku hawlanaa sidii wax looga qaban lahaa Xayiraadahaasi.

Bangiyadda Calaamiga ee Barclays Bank  ee dalka Britain,  Merchants Bank ee Gobalka California   iyo Bangiga New First American Bank iyo Bangiga Westpac ee dalka Australia ayaa horey u joojiyey Adeegyaddii Xawaaladaha ee loo soo diri jirey gudaha dalka Somalia.

Mar wax laga weydiiyey Xaalladda Somaliland, waxa uu sheegay in uusan xilligan ka hadli karin, inkastoo uu Nichola Kay uu horey si aan toos ahayn ugu  faahfaahiyey Warbixinta rekoodh gareysan ee uu horey uga hadlay.

Ergyaga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay, waxa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo Ciiddanka Nabad-ilaalinta Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM iyo xiisadda ka taagan dalka Burundi.

Nicholas Kay mar wax laga weydiiyey sababaha aan weli heshiiska looga gaarin Istaraatijiyadda bixitaanka AMISOM  iyo taariikhda ay ka bixi doonaan Somalia, waxa uu sheegay inay tahay su’aal uga baahan feker adag, wuxuuna muujiyey inuu ka xun yahay inuu ka jawaabi karin arrimahaas.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com