HomeUncategorized

Wasiirada arimaha Diinta Soomaaliya iyo Turkiga oo wada Kulmay

Khamiis, Juun 04, 2015 (Daljir) — Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta dowladda federalka ah ee Soomaaliya mudane Cabduqaadir Sheekh Ibraahim (Baqdaadi) iyo wafti uu hogaaminayo oo howlo shaqo ku jooga Turkiga ayaa la kulmay dhigiisa Dalkaasi Dr. Mehmet Gormez. iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira labada wasaaradooda.

(DHAGEYSO) Barnaamijka Caawa & Daljir (Xarunta Garowe)
Qaramada midoobey iyo xukuumadda Soomaaliya oo kawada hadlay arrimaha horumarinta.
Baahin: Sabti, Dec 31, C/risaaq C. Silfar ~ Daljir ~ Galkacyo. Ciidanka Ethiopia & kuwa Somaliya oo la wareegay Beledweyn; Dawlada federaalka oo iclaamisay hawlgal amni; Odayaasha degamada Garacad oo ku dhaliilay Puntland in ay baylihisay dhul-xeebeedka gobolka Mudug; Guddoomiyaha gobolka Mudug & taliyaha cusub ee ciidanka bilayska oo kormeeray Galbeedka gobolka Mudug.

Khamiis, Juun 04, 2015 (Daljir) — Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta dowladda federalka ah ee Soomaaliya mudane Cabduqaadir Sheekh Ibraahim (Baqdaadi) iyo wafti uu hogaaminayo oo  howlo shaqo ku jooga Turkiga ayaa la kulmay dhigiisa Dalkaasi Dr. Mehmet Gormez. iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira labada wasaaradooda.

Kulamadaa ayaa  waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo muhiim u ah Soomaaliya, waxaana  wafdiga la socda wasiirka ka mid ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha diinta Sheekh Maxamed kheyrow, iyo agaasimaha waaxda diinta ee wasaaraadda Shiikh Cali Sheekh Maxamud.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariic horumarineed oo aad u badan ka fulisay magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya, waxaana hogaamiyaha dalkaasi noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee booqasho rasmi ah ku yimaada magaalada Muqdisho.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: