Qaramada midoobey iyo xukuumadda Soomaaliya oo kawada hadlay arrimaha horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta gudoominayay kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay dowladda iyo hey’adaha UNka oo uu hogaaminayay Ku-Xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghaya Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Mudane Carteh ayaa sheegay in Xukuumadda ay waqti badan ku bixisay diyaarinta QHQ.

“Waxaan dadaal dheeri ah gelinay diyaarinta QHQ ku dhawaad 30 sano kadib kaasoo inoo fududeeyn doona sidii horumar waara aan dalkeena u gaarsiin laheen, Waxaa kaloo muhiim ah in hey’adaha UNka ay waafaajiyaan QHQ barnaamiyadooda horumarineed”.

Ugu dambeyn RW Ku-Xigeenka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ka qeyb qaatay diyaarinta QHQ oo uu ku tilmaamay guul weyn oo ay dowladda soo socota ka dhaxli doonta Xukuumadda hada jirta.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com