HomeUncategorized

Suldaan Cabdulle Aw-doon oo ka mid ahaa Wax-garadka Puntland oo Lagu Aasay Gaalkacyo

Khamiis, Juun 04, 2015 (Daljir) — Suldaan Cabdulle Warsame (Aw-doon) oo ka mid ahaa Wax-garadka deegaanada Puntland ayaa maanta lugu aasay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo uu xalay ku geeriyooday kaddib muddo xanuun ah oo uu la tacaalayay.

DHEGEYSO Gudoomiyaha Baay oo Shacabka Koonfur-galbeed ee Puntland ku nool ugu baaqay in ay sugida ammaanka door ka qaataan.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan.
Madaxtooyada Galmudug oo war ka soo saartay go’aankii barlamaanka.

Khamiis, Juun 04, 2015 (Daljir) — Suldaan Cabdulle Warsame (Aw-doon) oo ka mid ahaa Wax-garadka deegaanada Puntland ayaa maanta lugu aasay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo uu xalay ku geeriyooday kaddib muddo xanuun ah oo uu la tacaalayay.

Aaska marxuumka oo ka dhacay qabuuraha magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qayb-galay maamulka cusub ee gobolka Mudug ,kan degmada, Wax-garad iyo qaar  ka mid ahaa dadweynaha magaaladaasi.

“Nabaddoonku wuxuu ka mid ahaa dadka tirada yare ee kasoo jeeda Gobolka Mudug, isla markaana taariikhda ku lahaa Soomaaliya,\” ayuu yiri Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur oo la hadlay warbaahinta aaska ka dib.

Axmed Muuse ayaa sheegay in waqti badan uu garanayo Suldaanka geeryooday,waxaana uu sheegay in Suldaan C/lle uu ahaa qof jecel nabadda iyo midnimada Soomaaliya, isagoo tacsi u diray dhamaan ehalada iyo qaraabada marxuumka.

Suldaanka waxay da\’diisa kor u dhaafaysay 100-sanadood, waxuuna taarikh dheer ku lahaa halgalinkii Soomaaliya,isagoo  ka mid noqday sanadkii 1943-dii ururkii gobanimo doonka Soomaaliya ee SYL.

Ugu dambeyn, Suldaanka ayaa ka mid ahaa afar ruux oo la siiyay shahaadadii wadaniyada waqtiya yar ka dib xorriyaddii dalka ,waxaana sidoo kale uu la soo shaqeeyay qaar ka mid ah dowladihii dalka soo maray ka hor bur-burkii dowladda Soomaaliya.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: