Cuuke oo ay Garoowe ka galbiyeen wasiirro saddex ah, Gaalkacyana ay ku soo dhaweeyeen maamulkii hore iyo qaybaha bulshada.

Galkacyo, April 26 – Wafdi ballaaran oo ka socday dawladda Puntland uuna hoggaaminyey wasiirka caddaaladda Puntland Cabdikhaliif Ajaayo, ayaa maanta si diirran lagu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo oo ay soo gaareen kuwaasi oo kulamadoodii ugu horreeyey isla maantaba bilaabay.

Wafdigaan oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada caddaaladda, shaqada iyo shaqaalaha iyo caafimaadka ayaa sidoo kale socdaalkooda waxaa ku weheliyey guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug isla markaana ah duqa magaalada Galkacyo Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke.

Socdaalka wafdigaani ay ku yimaadeen magaalada Gaalkacyo ayaa lagu micneeyey salkana ku haya is-baddallada maamul ee gobolka Mudug laga sameeyey iyo sidii ay goob-joog uga noqon lahaayeen xil la-wareegidda maamulka cusub ee dhawantaan loo soo magacaabay gobolka.

Wafdigaan oo looga hor-tagay ku dhawaad 15KM laguna soo dhaweeyey ayaa waxaa u soo dibad-baxooda ka qayb-galay dad badan o iskugu jiray xubnihii maamulkii hore, aqoonyahanno, arday iyo ururrada haweenka ee gobolka iyagoo loo soo galbiyey aqalka madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo bulshadii soo dhaweysay iyo wax-ku-ool badan oo kaleba ay kula hadleen.

Wasiirrada ayaa si wadajir ah u sheegay dawladda in ay ka go’an tahay sidii wax badan looga baddali-lahaa xaaladda gobolka Mudug, gaar ahaanna midda magaalada Gaalkacyo muddo badan saaxiib la noqotay dilal qorshaysan oo aan dhammaad lahayn.

Wasiirradu waxay shacabka Mudug ka codsadeen in ay garab-istaagaan maamulka cusub ee haatan gobolka loo soo magacaay, ayna kala shaqeeyaan nabad-galyada iyo hormarinta arrimaha bulshada, iyagoo ku celceliyey hormarka iyo hurukaca gobolku in uu ku xiran yahay hadba bulshada gobolku sida ay gacan u siiyaan maamulka dawladda iyo ciidamada amniga.

Dhinaca kale, guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug isla markaana ah duqa magaalada Galkacyo Maxamuud Cabdiraxmaan Cawke ayaa isna sheegay in uu si daacadnimo ah ugu adeegi-doono bulshada gobolka ee loo xil-saaray waxaana uu isna bulshada iyo madaxda maamulladii ka horreeyeyba ka dalbaday in ay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkiisa shaqo.

Sidoo kalena, mas’uuliyiin u hadlay maamulkii hore oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyihii gobolka Axmed Cali Salaad iyo guddoomiye kuxigeenkii golaha deegaanka Axmed Muuse Nuur ayaa iyaguna u hambalyeeyey maamulka cusub, ballanna qaadayna xil-wareejin hufan iyo wada-shaqayn dhinac walba ah.

Cabdifataax Cumar Geeddi,
Daljir, Gaalkacyo

Halkan ka dhagayso faallo ka hadlaysa duruufaha gobolka Mudug iyo caqabadaha dhowraya maamulka cusub:


  http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com