Isbitaalka guud ee Garoowe oo ay jiifaan bukaan tiro badan oo la soo dhacay cudurrada ka dhashay saamaynta abaarta.

Garoowe, April 27 – Bukaanadii ugu badnaa abid ayaa xilligaan jiifa isbitaalka guud ee magaalada Garoowe. Sidaas waxaa maanta (Arbaca) Raido Daljir u xaqijiyey agaasimaha isbitaalka Maxamed Jaamac Xirsi.

Agaasimuhu wuxuu sheegey in ay bukaannadu isugu jiraan dad qaba xanuunnada caadiga ah iyo kuwo u jiifa dhaawacyo kala duwan. Cudurada ugu badan ee bukaanadaasi ay la jiifaan ayaa waxaa ka mida jadeecada, maleeriyada, xiiq-dheerta, TP-da iyo weliba cudurro kale oo farabadan, sida uu agaasimuhu noo xaqiijiyey.

Mar uu ka hadlayay sababaha keenay in ay kororto tirada bukaan-jiifka ah ee Isbitaalka ayuu agaasimuhu wuxuu sheegey, in ay sababeen abaaraha iyo biyo la’aanta xilligaan ka jira gobolka Nugaal, kuwaas oo ay ka dillaaceen cudurro farabadan haba ugu sii darraadeene kuwa ku dhaca dhallaanka iyo da? yarta.

Si kastaba ha ahaatee, bukaannada faraha badan ee la jiifiyey isbitaalka guud ee magalada Garoowe ayaa ku soo aadaya xilli inta badan gobollada Soomaaliya ay ka jirto nafaqo la’aan baahsan oo sababay in ay u geeriyoodaan dad caruur u badan iyo duunyo intaba.

Cabdi Xasan Rooble Awoowe,
Daljir, Garoowe

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com