
Talaado, September 22, 2015 (Daljir) —Ciidamada Milatariga wadanka Burkina Faso ayaa gudaha u galay magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou, kadib markii hogaamiyihii afgembiga sameeyey ee wadankaasi General Gilbert Diendere uu shaaciyey inuu xukunka kusoo celin doono xukuumaddii shicibku soo doorteen ee kumeel gaarka ahayd.
Saraakiisha hogaaminaysa ciidamda wadankaasi ee gaaray magaalada caasimadda ah ayaa waxa ay gelinkii dambe ee shalay iyo xalay kulamo layeesheen kooxdii Generalka ku wehelisey afgembiga uu sameeyey, si ay uga dhaadhiciyaan inay isdhiibaan.
FAALLOOYIN & FALCELIN