Dowladaha Ruushka iyo Israiil oo ka wada Hadlay xoojinta xiriirkooda

Talaado, September 22, 2015 (Daljir) —Ra’iisul wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu oo magaalada Moscow ee xarunta wadanka Ruushka kulan kula qaatay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inay labada dal ku heshiisiyeen inaysan Moscow hubka culus ka iibin wadanka Siiriya.

Dowladda Yuhuuda oo ciidamadeedu fariisimo ku leeyihiin wadanka deriska la’ah Siiriya ee Falastiin ayaa waxaa soo foodsaaray walaac xoogan kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in dowladda Ruushku ay diyaaradaha dagaalka iyo lidka diyaaradaha ka iibinayaan maamulka madaxweyne Bashar Al-azad.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com