Ciyaartii Sool & Gedo oo 3-3 ku dhamaatay, iyo ciyaarta Mudug & Banaadir oo iyana ku dhamaatay barbardhac (1-1).

Garowe, Dec 16 – Xulalka gobollada Sool & Gedo, iyo Mudug & Banaadir ayaa maanta isku arkay tartanka ciyaaraha gobollada. Ciyaartoyda ayaa soo bandhigay xirfad ciyaar iyo qaab ciyaareed oo aad u wanaagsan, aadna u raali galiyey daawadayaasha ciyaaraha. Xulalka Sool & Gedo oo ciyaartii hore isku arkay ayaa ay ciyaartoodii ku dhamaatay barbardhac (3-3), koox kastina ay 1 dhibic sidaa ku heshay. Xulalka Mudug & Banaadir ayaa ay ciyaartoodu hadda socotaa, inkasta oo Mudug ay 1 gool dhaliyeen nuskii hore ee ciyaarta. Tababarayaasha xulalka gobollada ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ciyaarta, ayna ku han weyn yihiin in ay guushu iyaga raaci doonto. Ciyaarta 1-aad oo dhex mari doonta gobollada Sool & Gedo ayaa dhici doonta 2:00 galabnimo halka gobollada Mudug & Banaadir ay is arki doonaan 3:30 galabnimo. Tababarayaasha xulalka is arki doona maanta oo aan ka waraysanay u diyaargarowga ciyaarta ayaa sheegay in uu moraalkoodu aad u sareeyo, ayna filayaan ciyaar wanaagsan.

Ciyaaraha ayaa si toos ah uga bixi doona idaacada Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com