Xulka Bari oo 2-0 kaga guulaystay J. Dhexe, iyo Sh. Dhexe oo 4-3 ku carraabiyey Bakool.

Garowe, Dec 17 – Xulka gobolka Bari ayaa maanta wacdaro dhigay, si xarago lehna ugu guulaystay ciyaartii ugu horeysay ee ay la ciyaareen xulka J. Dhexe.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiisa badan, weerar iyo weerar celis aan kala go’ lahayna ay labada kooxood isku hayeen bilaw illaa dhamaad, ayaa xulka Bari waxaa u dheeraa ciyaar wanaaga wadashaqayn iyo jil ciyaareed oo ay kooxdoodu muujisay, kana dhigaysan illaa hadda kooxda ugu cad cad.

Ciyaartu markii ay bilaabatayba waxaa xulka Bari ay weerar hore iyo mid dhexeba ay ku qaadeen goolka J. Dhexe oo marar badan difaacoodu la moodayey in uu ku haftay butaacada aan kala go’a lahayn ee gooloodu ku socotay; inkasta oo goolhayaha J. Dhexe uu badbaadiyey sawaariikh ay tiirarka goolkiisa ku garaacayeen laacibiinta xaga hore ka ciyaara ee xulka Bari ayaa hadana aanu ku guulaysan in uu badbaadiyo xulkiisa. 2 gool oo xarago leh ayaa ay dhaliyeen gool dhaliyayaasha safka hore uga ciyaara xulka gobolka Bari.

Waxaa intaa u dheerayd xulka Bari oo xarago, madadaalo iyo jil ku laray gool dhalinta.

Guusha ayaana sidaa ku raacday xulka gobolka Bari oo aad moodo in ay ugu taageero badan yihiin, loona han weyn yahay in ay u gudbaan wejiga 2-aad ee is-reebreebka ciyaaraha gobollada Somaliya.

Gobolka Bari ayaa hantay horyaalka kubadda cagta ee Puntland ee 2009 – 2010.

Sh .Dhexe v Bakool – 4-3

Sidoo kale ciyaar aad u xiisa badan, ahna ciyaartii ugu goolasha badnayd ayaa dhex martay xulalka Sh. Dhexe iyo Bakool.

Xulka Sh. Dhexe ayaa weerar iyo gaadmo ku asqeeyey xulka Bakool qaybtii hore ee ciyaarta, si xargo lehna u dhaliyey 3 gool.

Waxaase ay ciyaartu is badashay qaybtii 2-aad oo ciyaartoyda xulka Bakool ay rogaal celis xirfadaysan ay dhinac kasta kaga dhufteen xulka Sh. Dhexe, oo u muuqday in ay isa siiyeen libinta, balse Bakool ay la yimaadeen 2 gool.

Sh. Dhexe ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta iyana badelay xeeladooda weerar, si xirfadaysanna u dhaliyey goolkii 4-aad, sidaasna ay libitu ku raacday.

Xulalka Bari & Sh. Dhexe ayaa hadda ugu dhibca badan kooxda C, walow ay tahay in ay 4-ta kooxoodba is-arkaan, deetana 2-da xul ee ugu dhibcaha badana ay ugu gudbi doonaan wejiga 2-aad ee is-reebreebka ciyaaraha gobollada Somaliya.

Waxaa beri kulmi doona xulalka ku jira kooxda D ee Sanaag, Galgaduud, Bay & J. Hoose:

Tixraac: is-aragga 1-aad ee ciyaaraha gobollada:

Group A:
1. Nugaal
2. Sh. Hoose
3. Hiiraan

Group B:
1. Mudug
2. Sool
3. Gedo
4. Banaadir

Group C:
1. Bari
2. Bakool
3. Sh. Dhexe
4. J. Dhexe

Group D:
1. Sanaag
2. Galgaduud
3. Bay
4. J. Hoose

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com