Ciidamada Bariga Harargee oo Tuli Guuleed ka bilaabay shir nabadeyn Soomaalida iyo Oromada

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Ciidamada Bariga Harargee oo Tuli Guuleed ka bilaabay shir nabadeyn Soomaalida iyo Oromada

Shir laba geesood ah oo ujeedadiisu tahay sidii loo soo afjarilahaa colaadda raagtay ee ka dhexaysa shacabka labada kilil ee Soomaalida iyo Oromada, g

3,000 Liyuu Booliska DDS oo maanta tababar ugu soo xirmay xerada Garabcase
Madaxweyne Mustafe Cumar: “Xaalada bani’aadamnimo ee DDS waa mid walwal leh” (Sawirro)
Maxamed Cabdi Aadan Afhayeenkii Xildhibaanada DDS oo iscasily oo haddana Wasiir loo magacaabay

Shir laba geesood ah oo ujeedadiisu tahay sidii loo soo afjarilahaa colaadda raagtay ee ka dhexaysa shacabka labada kilil ee Soomaalida iyo Oromada, gaar ahaan qabalada Tuli Guuleed iyo degmada Jinacsani ee kililka Oromiya ayaa maanta ka qabsoomay isla magaalada Tuli Guuleed.

Tuli  Guuleed waa magaalo beeraley ah, kana mid ah magalooyinka ugu waxsoosaarka badan DDS, badanaa qabalaha ay ka koobneyd waxaa la wareegay Oromada, dadkiina ka barakiciyey, waxa ayna magaalo madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ee Jigjiga u jirta 30 KM, dhanka galbeedkana waxaa ka xiga Jinacsani.

Shirka maanta ka biloowday Tuli ayaa waxaa ka soo qaybgalay saraakhiisha ciidamada qaranka Itoobiya ee fadhigoodu yahay Bariga Harargee iyo saraakhiisha ciidanka Liyuu Booliska Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) iyo waliba maamulka labada degmo ee Tuli Guuleed iyo Jinacsani.

Magaalada Jinacsani oo hore u ahayd deegaan Soomaalida ayaa kal hore Oramadu kala wareegeen Soomaalida.

Weerarada joogtada ah, xasuuqa, iyo barakcinta Oramadu ku hayso Soomaalida Dowlad Deegaanka, siiba dhanka Tuli Guuleed, ayaa dadka deegaanku rumeysanyihiin in ay daarantahay damaca ah isku xirka Jinacsani, oo hore Soomaalida loogala wareegay, iyo Boorama, Awdal, si loo gaaro xeebta Saylac. Jinacsani iyo Boorama waxaa u dhexeeya degmada Tuli iyo Degmada Awbarre.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Mustafe 4 years ago

    Tani waa run hadii ay soo dhaafi lahaayeen tuli guuleed hada xeebta waa qabsan lahaa yeen

DISQUS: