HomeUncategorized

Bulshada gobolka Banaadir oo dabaaldeg ku taageeray heshiiskii DF iyo Jubba ee Ethopia (Dhegeyso)

Muqdisho, September 1, 2013 - Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay banaanbax balaaran oo lagu taageerayey heshiiskii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubba, kaas oo dabayaaqadii.

Al-shabaab oo sheegatay weerarkii qarax ee galabta Muqdisho ka dhacay iyo khasaaraha oo sii kordhay.
(Dhagayso) Cali Xaaji: Luggooyo wayn baa xukuumadda Gaas ay shacabka Puntland u gaysatay, waana nasiib-darro.
Burcad-badeed Somali ah oo siidaayey markab Jarmal ah iyo shaqaalihii saarnaa, kadib lacag madax furasho ah oo la siiyey. [Akhris …]

Muqdisho, September 1, 2013 – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay banaanbax balaaran oo lagu taageerayey heshiiskii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubba, kaas oo dabayaaqadii toddobaadkii hore ka dhacay dalka Ethopia.

Dadweynaha ayaa guul ku tilmaamay heshiiskaas iyagoo ku dhawaaqayey ereyo kala gedisan oo lagu taageeryo heshiiska ka dhacay dalka Ethopia, waxaa intii dabaal-degu socday hadalo kala gedisan jeediyey madaxda dowladda ee ka qeyb galay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa hadal ka jeediyey Banaanbaxa loogu dabaal-dagyey heshiiskaas, isagoo sheegay in shacabka Muqdisho iyo maamulkuba ay maqsuud ka yihiin heshiiska.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isna ka hadlay goobta, waxaa uu ?tilmaamay in heshiiskaas uu qeyb weyn ka yahay shirarka dib u heshisiinta ah ee dowladda Soomaaliya ay dalka ka wado.

? Dabaal-dega iyo banaanbaxa aad suubiseen maanta wuxuu muujinayaa in Muqdisho tahay magaalo madaxdii dalka waa in shacabka Muqdisho ay sidan oo kale u muujiyaan taageerada iyo guulaha u soo hoyday dalka Soomaaliya? ayuu yiri Mudane Gulleed.

Qeybaha kala duwan ee Soomaalida ayaa soo dhoweeyey heshiiskii Adis-Ababa, balse waxaa la soo sheegayaa in heshiiskaas aysan ku qanacsanayn bulshada ku sugan gobollada Bay iyo Bakool ee koonfurta dalka.

?

Diiwaaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSO: Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlay goobta

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: