Wasaarada arrimaha gudaha Federaalka oo shaacisay in uu furmi doono shirweyne Qaran (Dhegeyso)

Muqdisho, September 1, 2013 – Wasaarada arrimaha gudaha ee dowaladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in uu dalka ka furmi doono shirweyne Qaran, kaas oo looga hadli doono howlo badan oo dowladda u yaala, shirkaas ayaa beri furmi doona.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed, wuxuu shaaciyey maanta in shirkaasi oo ah mid Qaran lagaga hadli doono, qoddobo dhowr ah oo muhiim u ah howlaha shaqada Qaranka iyo doorka bulshada.

? Shirka waxaa intiisa badan diirada lagu saarayaa qorshaha dowladda ee saddexda sano ee soo socota, Federaalismka oo ah kaalin muhiim ah in laga doodo, iyo arrimaha Dastuurka, waxaa goob joog ka noqon doona shirkan Ergo kala duwan oo la soo xulay? ayuu yiri Cabdikariin Xuseen.

Docda kale wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo ka hadlay qorsha shirkan ka furmaya Muqdisho, ayaa sheegay sidoo kale intuu socdo in la gorfeyn doono howlaha dib-u-heshiisiinta ee qeybta ka ah qorshaha dowladda ee sanadaha wakhtigan.

Wasaarada arimaha gudaha ee Soomaaliya waxay carabka ku dhuftay in shirkaan kadib la qaban doono shir kale oo isna ay gundhig u noqon doonaan culimada Soomaaliyeed, kaas oo lagaga hadli doono marin habaabinta ururka Al-shabaab.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSO: Wasiirka Arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo qorshaha shirka ka hadlaya

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com