Bulshada Beledweyne oo loo diyaariyey qorshe lagu tira-koobayo iyo mid lagu midaynayo xaafadaha

Beledweyne, August 25, 2013 – Magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda olole ay wadaan maamulka gobolkaas, qorshaha ayaa ah mid lagu mideynayo xaafadaha magaalada.

Maamulka degmada Beledweyne iyo kuwa gobolka oo is kaashaanaya ayaa shaaciyey in la hir-gelinayo qorshahan cusub, kaas oo ah mid intiisa badan lagu doonayo in dadka loogu sameeyo deris wanaag iyo wada shaqeyn.

Docda kale qorshana waxaa dhinac socda howl kale oo dadka xaafadaha beledweyne lagu tira-koobayo.

Duqa Beledweyne Cabdi bishaar Aadan wuxuu sheegay in qorshan laga leeyahay muhiimad weyn, ?iyo ?in si mideysan looga wada-shaqeeyo amaanka xaruunta Hiiraan ee Beledweyne.

Mudane Cabdi bishaar ayaa yiri ?Muhiimada ugu weyn waa suggida amniga, iyo korinta dhaqaalaha,? caafimaadka iyo waxbarashadiina,? tirakoobkana waxa uu muhim u yahay in la helo tirada dadka ku nool magaalada??.

Bulshada Beledweyne oo arrintan ka hadlay waxay ku tilmaameen qorshe wanaagsan iyo talaabo horumar leh.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com