Odoyaasha Guriceel iyo Ehellu-suna oo qaboojiyey dagaal shalay ka bilowday gobolka Galguduud

Guriceel, August 25, 2013 – Deegaanka Qarsoon ee hoostaga magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa la qaboojiyey dagaal beleed halkaas ka dhacay, khasaare nafeed ayaa ka dhashay dagaalkaas oo shalay dhacay.

Maamulka Ehellusuna waljaamaaca iyo waxgaradka deegaanka ayaa howsha galay, waxaana gacanta lagu soo dhigay dadkii qeybta ka ahaa dagaal beeleedka.

Warar aan ka helayno Guriceel waxay sheegayaan in dagaalka shalay uu ka bilowday dhir-jaris ay sameeyeen dhinac ka mid ah malayshiyada dagaalantay, dhirtaas oo dhuxul laga shidi lahaa.

Macalin Daahir Faarax oo ah masuul ka tirsan Ehellusuna oo jooga Guriceel, wuxuu shaaca ka qaaday in lagu guuleystey qaboojinta dagaalkaas, iyadoo haatan loo diyaar garoobayo in laga hortago in dagaal kale ka dhaco deegaanka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com