Brussels: Bandhigga Cuntobadeedka Soomaaliya

Brussels: Bandhigga Cuntobadeedka Soomaaliya

Brussels – Soomaaliya ayaa ka qaybqaadanaysa bandhigga cuntobadeedka (Seafood Expo Global) ee hadda ka socda magaalada Brussels ee dalka Belguim. Waa bandhigga cuntobadeedka ee ugu ballaaran adduunka. Bandhigga ayaa socoonaya 25ka Abriil illaa iyo 27ka, waxaana ka soo qaybgalaya 1,700 oo shirkadood oo ka socda in ka badan 75 waddan.

Mashruuca GEEL ee USAID oo ay bartaan horay ugu soo bandhigtay Radio Daljir, hadana aad macluumaadkiisa isla mareegta Daljir kaga bogan kartaan ayaa taageeraya 9 shirkadood oo ganacsato Soomaali ahi leeyihiin, kana qaybgalaya bandhigga iyo waliba wakiil ka socda Hay’adda Maalgashiga iyo Horumarinta ee Puntland (Puntland Investment and Development Authority).

Soomaaliya ayaa lagu tilmaama in ay tahay waddan qani ku ah cuntobadeedka kuwa ugu qaalisan, ugu noocyo badan. Intaas kaliya ma aha ee Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer Afrika ahna 3,300 KM. Waxaa la qiyaasaa in ay Soomaaliya sannad walba soo saari karto illaa 400,000 oo ton oo kalluun ah, meesha hadda laga soo saaro wax ka yar 20,000 oo ton.

 

 

Mashruuca GEEL ayaa soodhaweyna ganacsata Soomaaliyeed ee u baahan garab-qabasho dhanka cuntobadeedka iyo xoolaha. Haddii aad danaynayso in aad xiriir la yeelato mashruuca GEEL halkan RIIX.

Dhigaallo, masawiro, iyo maalgashi la xiriira mashruuca GEEL halkan RIIX

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com