Boqorka Qabiilada Zulu ee Koonfur Afrika oo dacwad laga gudbiyay

Khamiis, Abriil 30, 2015 (Daljir) —  Wargaysyada dalka Koonfur Afrika ayaa maanta daabacay in waraaq loo diray qareenka ugu sareeya Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee ICC isla markaana looga dalbaday in uu dhagaysto dacwado ka dhan ah boqor Goodwill Zwelithini oo loo haysto in uu ka danbeeyay rabshadihii ka dhacay Koonfur AFrika.

Waxaa waraaqdan oo ay direen mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka dalkaas lagu cadeeeyay sida ay u muhiim u tahay in daba-gal lagu sameeyo hadalo cunsurinimo ah oo uu boqor Zullu ku kiciyay shacabka Koonfur Afrika.

Boqolaal kamid ah dadweynaha Koonfur Afrika oo caraysan ayaa dil iyo dhac u gaystay dadka afrikaanka ah ee ku nool dalkaas gaar ahaan dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Nigeria.

Waxaa tani ay ka danbaysay sidoo kale ka dib markii urur lagu magacaabo SERAP uu cadeyn ka dhex sameeyay Internet-ka ,taasi oo inta badan dadkii saxiixay ay dalbadeen in cadaaladda la horkeeno boqorkan oo sabab u ahaa dilka dad ka badan sideed ruux oo ajaanib ah .

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com