Boosaaso: Nabaddoon xalay la dilay; bilayska oo aan cidna u qaban.

Boosaaso, April 07 – Rag hubaysan ayaa xalay (Arbaca) fiidkii toogtay oo dilay mid ka mida odayaasha dhaqanka kuwooda ugu caansan magaalada Boosaaso. Isla falkaas ayaa waxa ku dhintay nin kale qof kalena waa uu ku dhaawacmay.

Nabaddoon Saalax Cabdisalam Axmed oo loo yiqiin ‘Faqash’ ayaa dhintay xalay fiidkii xilli uu sii galayay gurigiisa, kasa soo noqday oogidda salaadda maqrib kadib makii ay soo weerareen rag hubaysan oo wajiga u duuban yahay. guddoomiyaha gobolka Bari Sheekh Cabdilxaafid Cali Yuusuf ayaa dilka ku tilmaamay fal argagixso.

Isla dhacdadaas ayaa waxa ku dhintay nin kale, midna waa uu ku dhaawacmay. Qofka dhintay iyo kan dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay marayeen barta weerarku ka dhacay.

Cidna looma qaban dilkan, hayeeshee bilaysku waxa ay sheegeen in ay baaritaan wadaan.

Waa nabaddoonkii saddexaad oo muddo bilo ku siman lagu dilo magaalada Boosaaso iyada oo falal kuwan ka sii xawaare sareeyana lagu ugaarsado odayaasha dhaqanka ee magaalada Gaalkacyo.

Diiwaanka Wararka,
Daljir http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com