HomeUncategorized

Garoowe: Tababar ku saabsan sharciyada dhulka oo la soo gabagabeeyay.

Garoowe, April 06 - Waxa la soo gabagabeeyay tababar ku saabsanaa sharciyada dhulka iyo lahaan-shahooda kasoo ay ka qeyb-qaateen madaxda ugu sareysa wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland, Sharciyaqaanno iyo sidoo kale dad khubaro ah oo ku xeel-dheer arrimaha dhulka.

Baahin: Khamiis 22- August -2013, Caawa Iyo Daljir, Weriye Khadar Cawl Ismaaciil ~ Daljir ~ Buhodle
Hawlgallo ammaanka lagu sugayo oo ka socoda magaalada Garoowe, iyo laamaha amniga oo dad-siyaabo kale duwan u qab-qabtay.
Prof. Geedi ?khilaafka madaxda qaranka ee haatan, waa khatar ku soo fool leh wadanka? (Dhegeyso)

Garoowe, April 06 – Waxa la soo gabagabeeyay tababar ku saabsanaa sharciyada dhulka iyo lahaan-shahooda kasoo ay ka qeyb-qaateen madaxda ugu sareysa wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland, Sharciyaqaanno iyo sidoo kale dad khubaro ah oo ku xeel-dheer arrimaha dhulka.

Intii uu socda tababarkaan ayaa waxaa siweyn loogu falanqeeyay wixii ka danbeeyay markii ay meesha ka baxdey dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhibaatooyinka iyo isqab-qabsiga la xiriira dhulalka ee ka dhacey dalka Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigaan oo ay ka hadleen dad badan ayaa waxaa qeybihii danbe ka hadley agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland mudane C/qaadir Sh.Maxamed waxaana agaasimuhu sheegey isqab-qabsiga la xiriira dhulka bur-burkii wixii ka danbeeyay iney noqotey musiibo sababta dhimasho iyo dhaawaac.

Ugu danbeyntii waxaa soo xirey tababarkaan Wasiirka wasaaradda hawlaha guud & gaadiidka Puntland Injineer Daahir Khaliif Faarax iyadoo uu soo bandhigey siyaasadda cusub ee wasaaradda hawlaha guud iyadoo dhinca kale wasiirku uu sheegey in la dhisey guddi gaar ah loona xilsaarey iney wax ka qabtaan dhibaatooyinka xooggan ee la xiriira dhulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee tababarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jirto dhibaatooyin xoogan oo soo kala dhexmarey dadka soomaalida kuwaasoo khasaare badan dhaliyay waxaana dhibaatooyinkaan oo dhan la xiriiraan wixii ka danbeeyay markii ay meesha ka baxdey dawladii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Cali ‘Kooshin’
Daljir, Garoowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: