Prof. Geedi ?khilaafka madaxda qaranka ee haatan, waa khatar ku soo fool leh wadanka? (Dhegeyso)

Nairobi, November 27, 2013 – Ra?isal wasaarihii hore ee dowladdii KMG ah Prof. Cali Maxamed Geedi oo ku sugan Nairobi ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya, iyo mooshinka ay baarlamanku ka keeneen ra?isal wasaare Cabdi Faarax shirdoon.

Prof. Geedi ayaa sheegay in khatar wayn ay ka soo muuqato mooshinka ka dhanka ah ra?isal wasaaraha dowladda federaalka ah, isagoo xusay in baarlamanka ay la gudboon tahay in ay go?aan ka qaataan waxqabadka xukuumada iyo marxalada jirta intaba.

?Ra?isal wasaaraha hadii laga guulaysto waxaa muuqata khatar madaxweynaha kaga iman karta xukuumada cusub ee ra?isal wasaaraha kale keenayo, hadii madaxweynaha laga guulaysto iyana waa khatar, sababtoo ah shuruucda caalamiga ah waxay dhigaysaa hadii ra?isal wasaaruhu guulaysto in madaxweynuhu xilka ka tago.? Ayuu yiri Prof. Geedi.

Prof. Geedi oo la hadlayey Universal Tv, waxaa uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay xaliyaan khilaafka u dhexeeya ama oggolaadaan in la soo dhex-galo, ka hor mooshinka baarlamanka oo sii murjin kara khilaafka iyo howlaha shaqo ee dowladda.

?Ku dhamaysta dhexdiina khilaafka idii dhexeeya oo dadka ka daaya niyad jabka iyo welwelka aad ku abuuraysaan.? Ayuu madaxda kula taliyey ra?isal wasaarihii hore ee wadanka Prof. Cali Maxamed Geedi

Ra?isal wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi faarax shirdoon ayaa la filayaa in uu dhowaan hortago baarlamanka si uu kalsoonida u waydiisto xildhibaada baarlamanka, dhowaan waxaa baaqday mooshin ay baarlamanka qaybtiis ka keeneen waxqabadka xukuumada

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Prof. Cali Geedi oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Ra?isal wasaaraha iyo madaxweynaha

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com