Booliska Mombasa oo baaraya qarax 10 qof ku dhaawacmeen oo ka dhacay meel lagu caweeyo

Mombasa, Janaury 2, 2014 – Booliska dalka Kenya ayaa sugaya amniga guud ee magaalada Mombasa, halkaas oo qarax xoogan ka dhacay saaka arroortii hore, waxaa la sheegayaa in dad badan ku dhaawacmeen weerarka.

Qaraxa oo ka dhacay meel lagu caweeyo xili ku beegan 10 arrooryo ee hore ?ayaa wararku sheegayaan inay ku dhaawacmeen ilaa 10 ruux oo dadkii goobta joogay ah.

Taliska booliska gobolka Coste ee dalka Kenya Agrey Adoli wuxuu sheegay in baaristu socoto isla markaasna xaaladu tahay mid degan.

Booliska Kenya ayaa sheegay in qaraxu u egyahay mid la tuuray isla markaasna uu baxsaday qofkii gaystay.

Magaalada Mombasa ayaa dhowr qarax ka dheceen bartamihii ilaa bilihii u dambeeyey sanadkii tegay, sidoo kale waxaa gobolka ka aloosan xiisad ka dhalatay dil loo geystay sheikh Caboud Rogo sanadkii 2012.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com