Kooxo hubaysan oo isbaarooyin iyo falal amni daro ka bilaabay miyiga Bender-bayla (Dhegeyso)

Bender-bayla, January 2, 2014 – Maamulka degmada Bender-bayla ee gobolka Karkaar ayaa cabasho ka muujiyey dhalinyaro hubaysan oo falal amni daro ka fuliyey miyiga iyo jidadka muhiimka ah ee degmada soo gala, maamulka ayaa Burcad badeed ku tilmaamay kooxahaas.

?Dhalinyaradii Burcad badeeda ahayd ayaa deegaanka dib ugu soo noqday waxay bilaabeen amni daro, waxay samaysteen jid gooyooyin, rasaas lagu furayo gaadiidka iyo falal kale.? Ayuu yiri Siciid Anteeno duqa Bender-bayla oo daljir la hadlay.

Gudoomiyaha degmada ayaa xaqiijiyey in dhalintaas ay sidoo kale gubayaan dhirta deegaanka iyagoo samaytay dhul ay si sharci daro ah boosas uga dhigteen oo ay fariismo ku leeyihiin.

Puntland ayuu ka codsaday inay arrintaan wax ka qabtaan, maamulka degmada Bender-bayla waxay ku dhawaaqay inaysan waxba ka qaban karin xaalada amni xumo ay dhalinyarada hubaysan ka geysanayaan deegaanka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: – Xaliimo sacdiyo oo daljir ka tirsan ayuu u waramay Siciid Anteeno Duqa degmada Bayla


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com