HomeUncategorized

Beesha caalamka oo dhowaan Dubia kagga shiraya horumarinta Soomaaliya iyo Burcad-badeeda

Dubia, September 2, 2013 - Dowladaha taageera qorshaha lagu bur burinayo weerarada Burcad- badeeda iyo ururo caalami ah ayaa dhowaan shir ku yeelan doona dalka isutaga Amerat-ka Carabta.

Maamulka Faroole Sannad Ka dib – Qore Khadiijo Maxamed Cali.
Xaaladda amni ee Galkacyo oo ka soo raynaysa iyo diiwaan-galintii hubka yaryar oo wali socota.
Al-shabaab oo la wareegay Kismaayo & warbixin ku saabsan khasaaraha dagaalka. [Dhegaysi …]

Dubia, September 2, 2013 – Dowladaha taageera qorshaha lagu bur burinayo weerarada Burcad- badeeda iyo ururo caalami ah ayaa dhowaan shir ku yeelan doona dalka isutaga Amerat-ka Carabta, waxaa shirkaas lagu qorsheeyey in looga hadlo howlaha Burcad-badeeda.

Shirka ayaa intiisa badan waxaa la soo sheegayaa in diirada lagu saarayo dib u dhiska dalka Soomaaliya oo la taageerayo iyo falalka Burcad badeeda oo laga hortagayo, waxaana goobta lagu soo bandhigi doonaa nidaam cusub oo ay Soomaaliya qeyb ka noqonayso.

Waxaa ka qeyb-galaya ku dhowaad 500 oo xubnood, kuwaas oo ka kala socda beesha caalamka, ururo caalami ah, dalalka ka shaqeeya xeebaha Soomaaliya, wasiiro arrimo debedeed iyo Ganacsato, shirka ayaa lagu gorfeynayaa sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in ay wax wanaagsan tahay hoos u dhaca ku yimi weeraradii Burcad badeeda ay geysan jireen, Simon Ancona oo ah sarkaal u hadlay Brtian ayaa sheegay sidaas, wuxuuna ku baaqay in shirkaan nuxur wanaagsan lagu diyaariyo.

Hay?adaha ka shaqeeya la socodka weerarada Burcad badeeda caalamiga ah ayaa sheegay in uu hoos u dhigmay, weeraradii ay geysan jireen kooxaha qowlaysatada ah, waxaana shirkaan xusid mudan in uu furmayo toddobaadka dambe.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: