Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, amnidarrada Bossaso iyo dayaca ciidamada ammaanka ee dilkii Paul Farmosa (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, amnidarrada Bossaso iyo dayaca ciidamada ammaanka ee dilkii Paul Farmosa (dhegayso)

Muuqaalka Bulshada waa barnaamij maalinle ah oo aan ku falaanqeyno hadba mowduuca maalinkaas taagan. Waxa aan bulshada ka dhegaysanaa dhibka haysta, h

Xildhibaan Abshir Siciid Saalax: Xaaladda Ciidanka Buuraha Calmadow (dhegayso)
Agaasimaha Madaxtooyada: “DFS mar walba diyaar bay u tahay in ay la kulanto madaxda Somaliland si dalka oo dhan looga hirgaliyo dib-u-heshiisiin dhab ah” (dhegayso)
Warbixinta Radio Daljir ee Wasiir Gallan & Gobolka Sanaag, xoreyn kabacdi (dhegayso)

Muuqaalka Bulshada waa barnaamij maalinle ah oo aan ku falaanqeyno hadba mowduuca maalinkaas taagan. Waxa aan bulshada ka dhegaysanaa dhibka haysta, hammigooda dad iyo dal, kooda ammaan iyo doorka dowladeed ee bulshadu ka sugayso in ay dowladdu la shir timaado.

Ka qaybqaado Muuqaalka Bulshada oo nala qaybso dhaliil iyo waana wixii aad bulshadaada iyo dowladaadaba u hayso.

Maanta barnaamijka waxa aan ku falaanqayn doonnaa ammaandarrada Bossaso iyo dilkii Paul Formosa, Mareeyihii shirkadda PO & Ports ee Dekedda Bossaso. Su’aalaha la isweydiin doono waxaa kamid ah:

  • Ammaanka Bossaso iyo doorka liita ee ciidamada amniga Puntland
  • Maxaa maxbuuska loo gayn waayey xerada ciidamada PSF oo kaamerada shacabka looga adeejiyey? Ma kutalagal bay ahayd mise masuuliyad darro?
  • Dilka masuulka PO & Ports iyo sida fooshaxun ee ciidamada ammaanka ee Puntland ay dilaaga uga adeejiyeen shacab kaamerooyin la ordayaa ma wuxuu ahaa shirqool ka dhan ah xukuumadda cusub ee Madaxweyne Deni?
  • Maxay se noqon doontaa jawaabta Madaxweyne Deni ee ku aaddan ciidamada ammaanka Puntland iyo suulinta ammaan-darro ee Bossaso?

Kaga bogo barnaamijka Muuqaalka Bulshada ee maanta oo hoos ka dhegayso.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: