Xisbiga Wadajir oo Ka hadlay Shir ka dhacaya London

Xisbiga Wadajir oo Ka hadlay Shir ka dhacaya London

Xisbiga Wadajir oo ka mid ah asxaabta siyaasadda ee dalka ka jira ayaa walaac ka muujiyay Shirka lagu suuq geynayo Shidaalka Soomaaliya oo 7-da bishan ka dhacaya magaalada London.

War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay in Shirkan oo ay soo abaabuleen Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Shirkadda Spectrum lagu beecinayo xirmooyin 50 Blocks oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah, kuna teedsan dhul ku fadhiya 173,000 KM.

Xisbiga ayaa ku baaqay in la joojiyo shirkan, kaasoo dhacaya, iyadoo aan hal qodob laga hirgelin Heshiiski wadaaga Kheyraadka ee Baydhabo ka dhacay bishii June ee sanadkii 2018, sidoo kale aanu weli sharciga batroolka aanu ansixin Baarlamaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com