Banaanbaxyo lagu xusayo maalinta xuquuqul insaanka adduunka ee 10-ka December oo lagu qabtay Galkacyo.

Galkacyo, Dec 10 – Waxaa maanta magaalada Galkacyo ka dhacay bannaanbaxyo aad u ballaaran oo ay ka qaybgaleen kumanaan qof oo iskugu jira bulshada qaybaheeda kala duwan, bannaanbaxaasi oo loogu dabaaldegayey maalinta xuquuqda aadanaha oo ku beegan maanta oo ay bisha December tahay 10.

Bannaanbaxyadaan oo ay si wadajira ah u soo qaban-qaabiyeen xarunta waxbarashada nabadda iyo hormarinta Galkacyo GECPD oo isla fankana bixinaysay iyadoo gacan ka heleysa hay?adda UNHCR iyo maamulka degmada Galkacyo, ayaa dadweynihii ka qaybgalayey socod lug ah ku soo mareen dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada Galkacyo iyagoo ku dhawaaqayey hal ku dhigyo muujinaya sinnaanta iyo xuquuqda aadanaha.

Bannaanbaxayaasha ayaa watay boorar waaweyn oo ay ku qornaayeen magacyada xaafadaha ay ka kala yimaadeen, iyo hal ku dhigyo ka hadlayey xuquuqda aadanaha gaar ahaan midda haweenka oo laga dhax dheehan karay qoraalkasta boorarka ku xardhanaa.

Dadka weynaha bannaanbaxa samaynayey una dabaal-degayey maalinta xuquuqda aadanaha oo sanadkasta la xuso xilligaan oo kale, ayaa iskugu jiray bulshada qaybaheeda kala gadisan sida ardayda, haweenka, macllimiinta, aqoonyahanada, odayaasha dhaqanka, culimo aw-diin iyo suugaanyahanii, waxaa sidoo kale ka qaybgalay bannaanbaxa mas?uuliyiinta dawladda Puntland ee gobolka Mudug kuwaasi oo iskugu jiray madaxda gobolka, kuwa degmada Galkacyo, xildhibaaanno baarlamaanka ka tirsan, agaasimayaasha iyo iskudawayaasha wasaaradaha dawladda ee gobolkan, iyo mas?uuliyiinta hay?adaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ee ka hawlgala gobolka Mudug iyo madaxda xarunta GECPD.

Socdaallo lug ah oo bannaanbaxayaashu waddooyinka ku soo mareen kadib, waxaa la iskugu yimid garoonka kubadda cagta ee magaalada Galkacyo, halkaasi oo laga soo jeediyey khudbado wax ku ool ah oo ka turjumayey muhiimadda xuska maalinta xuquuqul Iinsaanka, iyadoo weynna diiradda loo saarayey xuquuqda haweenka oo inta badan la tilmaamo in lagu tunto.

Agaasimaha xarunta waxbarashada nabadda iyo hormarinta Galkacyo GECPD Xaawo Aadan Camey, oo ay xarunteedu la hayd inta badan abaabulka mudaharaadayaasha isla markaana bixinaysay fanka isku soo baxa iyadoo gacan ka helaysay hay?adda UNHCR, ayaa halkaasi ka akhriday khudbad qoraal ah oo ay kaga hadlaysay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda aadanuhu, iyadoo si gaar ah ugu dheeraatay dhibaatooyinka iyo tacadiyada ay la kulmaa haweenka Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa magaalada Galkacyo oo ay sheegtay in ay jiraan xad-gudub joogta ah oo la soo darsa maalin walba.

Xaawo Aadan, oo si qiiro badan uga hadlaysay tacadiyada ay la kulmaan haweenku ayaa sheegtay in ay jiraan falal iskugu jira dil, gufsi, cago-juglayn, xaqiraad, iyo dulmi loo gaysto haweenka, taasi oo ay ku micnaysay badankoodu in ay ka soo fusho ragga loona baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa falalkaasi gurracan oo dhan.

Marwo Xaawo, oo ka hadlaysay sidii loo daryeeli lahaa haweenka loona cirib tiri lahaa shaqaaqooyinka liddiga ku ah haweenka ayaa ku talisay in la sameeyo iskaashi buuxa oo ku aaddan illaalinta xuquuqda haweenka, taasi oo ay isku garabsanayaal hay?adaha dawladda, maamullada gobollada, kuwa degmooyinka, hay?adaha maxaliga ah, kuwa caalamiga ah iyo bulashada qaybaheeda kala duwan, si looga hortago tacadiyada iyo xaqiraadda haweenka lagula kaco.

Dhanka kale waxay soo hadal qaaday abaabullo in muddo ahba ay wadday xarunteedu oo ku saabsanaa illaalinta xuquuqda haweenka iyo ka hortagidda shaqaaqooyinka khaldan ee meel ka dhaca ku ah haweenka, waxayna sheegtay in ay sameeyeen tababarro, aqoon is-waydaarsi iyo wacyi-galin kale oo dadka loogu sheegayey xad-gudubyada haweenka loo gaysto sidii looga waan toobi lahaa, waxayna waxqabadyadaas ay qayb ka ahaayeen 16 maalmood oo loo qoondeeyey ka hortagidda shaqaaqooyinka liddiga ku ah haweenka kuwaasi oo ay xaruntu qabatay.

Duqa magaalada Galkacyo C/raxmaan Maxamuud X Xasan, oo munaasabaddda maanta ka hadlay ayaa sheegay maanta in ay tahay maalin qiimo weyn ugu fadhida umadda adduunkoo dhan, loona baahan yahay in laga qayb-qaado dabaal-degyada loo samaynayo xuquuqda aadanaha, waxaana uu si gaar ah u xusay xuquuqda haweenka oo uu racabka ku adkeeyey ilaalinteeda in looga baahan yahay qofkasta gaar ahaanna mas?uuliyiinta.

Duqu waxaa uu u mahadceliyey mas?uuliyiinta xarunta GECPD iyo maamulka isaga la shaqeeya oo uu sheegay in ay sahleen qabsoomidda munaasabaddaan, waxaana uu soo jeediyey maanta wixii ka danbeeyey dawlad iyo shacabkaba in loo qalab-qaato sidii loo dhawri lahaa xaquuqda haweenka, wuxuuna intaasi ku daray maamulkiisa degmadu in ay hadda u soo jeedsanayaan sidii looga hortagi lahaa shaqaaqokasta oo liddi ku ah haweenka.

?C/raxmaan? haweenku waa hooyooyinkeen, waa walaalaheen, waa xaasaskeena, mana loo baahna in aan u gaysano wax xad-gudub ah oo meel uga dhacaya sharaftooda iyo karaamadooda, ayuu yiro duqa magaalada Galkacyo.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Cali Salaad oo isna hadal dheer oo dhinacyo badan taabanayey ka soo jeediyey xuska maalinta xuquuqda aadanaha, ayaa u mahadcelyey ciddii soo abaabushay bannaanbaxaan, wuxuuna sheegay in ay laga maarmaan tahay ilaalinta xuquuqda guud ee aadanuhu, wuxuuna si khaas ah u tilmaamay midda haweenka oo uu sheegay qofkata in xil ka saaran yahay illaalinteeda.

Barnaamijka maanta ee ku aaddanaa xuquuqda aadanaha sida gaarka ahna loo taabanayey haweenka, waxaa dhinac socday farriimo kale oo iyana ku aaddanaa nabadda iyo ilaalinteeda taasi oo la tilmaamayey in ay isku xiran tahay nabadda iyo noloshada kale ee aadanuhu.

Munaabadda maanta ee lagu maamuusayey xuquuqda aadanaha ayaa ah mid sanadkasta 10 December laga xuso dunida dacaladeeda laguna muujiyo arrimaha bini?aadantinimada, waxaana sidaan oo kale ay sanadkii hore uga dhacday magaalada Galkacyo taas oo ay soo qaban-qaabisay xarunta waxbarashada nabadda iyo hormarinta Galkacyo GECPD.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com