Nin hubaysan oo weerary masjidka Al-Huda ee magaalada Galkacyo, lana qabtay.

Wacaal Daray ah: Galkacyo, Dec 11 – Nin ku hubaysan qori gacmeed ayaa caawa weerary masjidka Al-Huda ee bartamaha magaalada Galkacyo xilli laga soo dareeray masjidka salaadii magrib dabadeed.

Inta la o’g yahay 2 ka mid ah dadkii masjidka ku tukanayey ayaa dhaawacyo soo gaareen. Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ah mu’adinkii masjidka.

Lama oga waxa sababay in ninkan hubaysani uu u weeraray masjidka, cidda uu ku raadjoogay, iyo waxa ku khasbay in uu weeraro dad cibaadaysanaya oo ku sugan guri Alle.

Bilayska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dambiilaha weeraray masjidka, baaritaan ay ku wadaan ujeedadiisu waxa ay ahayd, maxkamadna u gudbin doona.

Masjidka la weeraray ayaa ku yaal meel ku dheggan Aqalka Dawlada Hoose ee magaalada Galkacyo.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com