Baarlamaanka Puntland oo baaq nabadeed u diray 2-da ardaa ee ku dagaalamay Cagaarre.

Garow, Oct 04 – Golaha wakiilada ee Puntland ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku wajahan ardaayo dagaallo ku dhex mareen dhul daaqsinka ka tirsan gobolka Sool; baaqa oo uu ku saxiixan yahay afhayeenka baaralamaanka Puntland Md. C/rashiid M. Xirsi ayaa ugu baaqay beelaha dagaalku dhex maray in ay colaada joojiyaan, u hogaansamaan waanwaanta nabadeed ee ay Issimada iyo nabadoonadu wadaan, iyo in ay tixgeliyaan gogoshii nabadeed ee xukuumada Puntland ay hore u fidisay. Isla baaqa ayaa sidoo kale xusay dagaal 2 ardaa ku dhex maray deegaan ka tirsan gobolka Bari.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com