Author: Xasan
-
Dibadbax looga soo hor jeeday madaxweyne Waasre oo ka dhacay Baladweyne
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan maanta waxaa ka dhacay dibad bax looga soo hor jeeday xilkaqaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed. Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyaya qaar kamid ah wax garadka iyo odayaasha dahaqanka ee degmada Baladweyne,waxayna dibadbaxyadu ay xireen intabadan waddooyinka magaalada dhexmara. Guudoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf…
-
Dowladda Britain oo xarun lagu tababaro ciiddamada dowladda ka furtay Baydhabo (dhegayso)
Wasiirka wasaarada gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo waxa uu ka daahfuray xarun ay dowladda Britain ku tababari doonto ciidamada xooga dalka. hadaba maxay ka dabadali doontaa xaruntan hab dhaqanka ciidamada iyo tababarada kala duwan ee la siiyo oo aysan waxba iska badalin sida dhowr jeer oo hore la arkay hab dhaqankooda? warbixintan waxaa…
-
Itoobiya oo shaacisay saamiga dowladd deegaanka Soomaalida uu kuleeyahay Shidaalka laga helay gobolka (dhegayso)
Aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya ayaa ansixiyay xeer qabyo ah oo qeexaya saamiga shidaalka laga helay dowladd deegaanka Itoobiya. qorshahan waxaa ka soo shaqeeyay golaha federaaka Itoboobiya oo uu matalayay madaxweyne Mustafe Cagjar iyo xubno kale. wariye Maxamuud Cabdi Ibraahin ayaa warbixintan ka diyaariyay.
-
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Caweysin wanaagsan, ku soodhowaada Warka Fiidnimo, waxaana warka caawa inoo akhrinaya Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, xarunta Daljir Caabudwaaq. Dhegayste ha illaawin in aad mar kasta nala qaybsato fikirkaaga iyo falceliskaaga.
-
Suuqa Bosaaso oo xiran iyo ganacsatada oo Daljir ugawarantay sabata (Akhriso)
Suuqa Bosaaso ayaa manta xirnaa kadib markii ay ganacsatadu ay sheegeen in wasaarada maaliyada Puntland ay ku soo rogtay Canshuur 50 doolar oo laga qaadayo meheradaha ganacsi ee suuqa ku yaala iyo shaqaalaha ushaqeeya oo iyana laga qaadi doono lacag dhan 12 doolar. xirnaanshaha suuqa waxa ay saamaysay dadkii danyarta aha ee ka adeegan jiray…
-
7qof oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose (dhegayso)
Degmada wanla-weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta waxaa ku dagaalamaya laba beelood oo dhowr jeer oo hore ku dagaalamay. inta laxaqiijiyay dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay 7 qof oo labada dhinac kamid ah, waxaana la soo sheegayaa in dhaawaca uu kor udhafay ilaa iyo 15 qof. Xaafadaha qaar ayaa la soo sheegaya in dadku…
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka ( Sawiro)
Kusimaha Madaxweynaha dowaldda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka. Guddigan oo ka shaqaynaysa waxkaqabashada waxyeeladii fatahaadaha Roobabkii da’ay ay gaysteen, kuwaas oo tan iyo markii la magacaabay Juun 02 2019 shaqo badan ka qabtay waddooyinkii go’ay. Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani…
-
Beeralayda degmada Ufayn ee gobolka Bari oo daadkii uu kala tagay dalagyadii ay beerteen sanadkan( dhegayso)
Axmed Yuusuf Siciid oo kamid ah beeralayda degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa roobkii ka da,ay xalay halkaasi waxa uu kala tagay dhamaan dalagyadii kala duwanaa ee uu ku beertay sanadkan beerta. waxa uu sheegay in si dirqi ah looga soo bad baadiyay roobka mid kamid ah shaqaalaha beerta oo xiligaasi ku sugnaa beerta gudaheeda…
-
Dhaqaatiirta Puntland oo ka digtay xanuunada ka dhalan kara biyaha roobaka ee fadhiya waddooyinka (dhegayso)
Dhaqaatiirta caafimaadka ee Puntland ka howlgasha ayaa ka digaysa xanuunada ka dhalan kara biyaha wasaqaysan ee roobka ee fadhiya bartamaha magaalada iyo waddooyinka dhexmara xaafadaha. D.r Faysal Jibriil oo ka howlgala xarunta Qaaxada ee Bosaaso ayaa Daljir usheegay in dadka unugul cudurada ka dhalan kara roobka da,aya ay yihiin Caruurta yar yar ee ku ciyaarasa…
-
Xulashada Daljir & Jaamac C/raxmaan , Daljir Garoowe (dhegayso)
Kulanti wanaagsan oo ku soodhowaada barnaamijka duhurnimo ee Xulashada Daljir. Barnaamijka Xulashada waxaa maanta xarunta Daljir Garoowe idinkaga soo jeedinaya Jaamac cRaxmaan Faandhe. Soogudbinta barnaamijka Xulshada Daljir waxaa sahashay shirkadda isgaarsiinta gayigeena ee Golis Telcom Soomaaliya. GOLIS KU DOORO HAL-ABUUR IYO HORMAR JOOGTO AH.
-
Barakacayaasha Bosaaso iyo saamaynta uu ku yeeshay roobkii ka da,ay magaalada (dhegayso)
Roobkii gu,ga ee ka da,ay gobolka Bari gaar ahaan magaalada Bosaaso ayaa waxa uu saameen ku yeeshay dadka danyarta ah ee dagan kaamamka magaalada. Qoysaskan ayaa ku nool guryo ka sasmaysan kartoomo iyo jiingado oo aan u adkaysan karin biyaha roobka iyo dabaysha. Guddoomiyaha barakacayaasha Bosaaso Xasan Faarax Xasan Layli ayaa Daljir uga waramay xaalada dadkaasi…
-
Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Kulanti wanaagsan, ku soodhowaada barnaamijkii Cawaysnimo ee Caawa iyo Daljir. Barnaamijku wuxuu caawa idin kaga imaanayaa xarunta Daljir Garoowe, waxaana idiin daadihinaya Wariye Jaamac Cabdiraxmaan Faandhe. Hoos ka dhegayso Caawa & Daljir oo farriin iyo falcelis nala qaybso.