Author: Xasan
-
Mid kamida Suuqyada Muqdisho oo Albaabada loo laabay
Wararka naga soo garaya Suuqa wayn ee loo yaqaan Suuq-boocle kuna yaala dagmada Dharkiinle ayaa sheegaya in maanta gabi ahaanba Suuqaasi uu xiranyahay . Ganacsatada ayaa sheegtay in sababtu ay tahay in lagu kordhiyay qiimaha Canshuurta , taas oo ay ganacsatada ka biya diideen . Ciidamo ka tirsan maamulka degmada Dharkiinley oo Suuqa soo galay …
-
Dhagayso:- Jabuuti oo ay ka duushay maanta diyaarad siday Xujaydii ugu horaysay ee Soomalaiyeed oo dalkaasi kabaxda
Xujaydii ugu horaysay ee Soomaaliyeed ayaa maanta ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jabuuti,kuwaas oo sanadkan soo gudanaya waajibaadka acmaasha xajka. Hadaba Wasiirka tamarta ee Jabuuti ahna kusimaxa Wasiirka arimaha islaamka ee dowladda Jabuuti Yoonis Cali Geedi ayaa Warbaahinta lahadlay iyo mas,uuliyiin kale . Halkan ka dhagayso.
-
Dhagayso:- Waraysi:- Maxaa ka dhalan kara Xariga Madaxweynhii hore ee dowladda deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ?
Madaxweynihii dowladd deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu soo waramayaa in uu kujiro wali xabsi guri . Waxaa socda wada hadalo udhexeeya dowladda Itoobiya ,xubno kasocday Beesha caalamka, iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo kusugan Adis-Ababa . Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Dhagax-buur ayaa sheegaya in halkaasi ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda fadaraalka…
-
Dhagayso:- Mowqifka dowladda ay ka qadatay khilaafkii Sacuudiga iyo Canada iyo Aragtida dadweynaha
Maalin ka hor Wasarada Arimaha dibada Soomaliya waxaa ka soo baxay war saxaafadeed u muuqday mid lagu taageeray dowladda sacuudiga oo uu khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay dowladda Canada . Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay isagoo arimahaasi kahadlaya in xukuumaddu aysan sigaar ah u taageerin Sacuudiga laakin mowqifkoodu…
-
Dhagayso:- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Oo Xukun kuriday Askar ka tirasan Ciidamada dowladda
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo xafiiska xeer ilaalintu uu ku eedeysay in ay dhac u gaysteen mid ka mid ah xarumaha Shirkada Hormuud. Askartan laxukumay ayaa waxa ay kala ahaayeen C/kariin Muuse Muxudiin ,Aweys Faarax Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamuud oo dhamaantood ka maqnaa…
-
Guddoomiye Dhedo: “Waxaan uga digayaa Shacabka Bosaaso in la dhibaateeyo dadka ka soo jeeda Qoomiyada Oromada” (dhegayso)
Maamulka Gobolka Bari ayaa ka digay in wax dhibaato ah loo gaysto Qoomiyada Oromada ah ee ku nool magaalada Bosaaso. Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa sheegay in ay talaabo sharciga waafaqsan ay ka Qaadi doonaan cida lagu qabto iyadoo dhibaato ugaysanaysa dadka magan galayada uyimid deegaanada Puntland. Halakan ka dhagayo .
-
Sacuudiga Oo sooceliyay 30 kun oo Neef Oo Xolaha Soomalaida ah
Wararka uu helayo Radio Daljir ayaa sheegaya in markab wada ilaa iyo 30 kun oo neef oo xoolo ah laga soo celiyay dalka Sacuudiga. Markabkan ayaa la sheegay in uu ku soo wajahan yahay dekedda magaalada Bosaaso. Sacuudiga ayaa dhawaan sheegay in uu xayiraadii ka qaaday xoolihii Soomaalida ee udhoofin jireen dalkaasi xili lagu guda…
-
Dhagayso:- Hooyo ku nool mid kamid ah kaamamka Barakacayaasha Bosaaso oo Gurigeeda dab laqabadsiiyay
Hooyo Farxiyo Maxamed Cabdi oo kamid ah dadka dan yarta ah ee ku nool kaamamka barakacayaasha ah ee ku yaala Duleedka bari ee magaalada Bosaaso oo maanta inagu soo booqatay radio daljir xaruntiisa magaalada Bosaaso ayaa kawar bixisay daruufaha adag ee nololeed ee qoyskeeda haysta. Waxa ay daljir usheegtay in iyada iyo 5 caruur ah…
-
Iska horimaad khasaare dhimasho iyo dhaawacba gaystay Oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Ee C/laahi Yuusuf
Wararka naga soo garaya magaalada gaalkacyo gaar ahaan dhanka waqooyi ee Puntland , ayaa sheegaya in iska Horimaad ka Dhacay garoonka diyaarada ee Cabdilaahi Yuusuf ay ku dhinteen 2 askari oo katirsanaa ilaada garoonka Halka sidookalena uu ku dhawacmay askari kale. Wariye yaasheena ku sugan magaalada gaalkacyo ayaa soo sheegaya in dhacdadan ay timid kadib…
-
Akhriso:- Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Jigjiga iyo xaalada oo dagan maalintii labaad
Xaalada magaalada jigjiga ayaa ah maanta mid dagan ,kadib xiisadii ka dhalatay markii ay cidamada milatariga la waeegeen xarumihii dowlad deegaanka Itoobiya. Wararka uu helayo radio daljir ayaa sheegaya in wali ciidamada miltariga ee Itoobiya ay ku sugan yihiin magaalada iyo xarumaha dowladda ,ayna kor kala socdaan dhaq dhaqaayada ka socda magaalada jigjiga . Madax…
-
Xaaalada Magaalada Jigjiga oo dagan iyo Madaxweyne Cabdi Maxamed Oo aan laogayn halka uu kusugan yahay
Wararka naga soo gaaraya magaalada Qabridahare ee dowladd deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa sheegaya in Ciidankii militariga Ethiopia iyo dad shacab ah ay isku horfadhiyaan halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in shacabka ay ka hortageen qorshe ay ciidamada milatariga ay ku doonayeen in ay ku galaan gudaha magaalada iyagoo dadka ciidamada ku tuurayay dhagaxaan . Maamulka gobolka…