Suuqa Bosaaso oo xiran  iyo ganacsatada oo Daljir ugawarantay sabata (Akhriso)

HomeWararka

Suuqa Bosaaso oo xiran iyo ganacsatada oo Daljir ugawarantay sabata (Akhriso)

Suuqa Bosaaso ayaa manta xirnaa kadib markii ay ganacsatadu ay sheegeen in wasaarada maaliyada Puntland ay ku soo rogtay Canshuur 50 doolar oo laga q

MADASHA MASUULKA & WEYDIIMAHA DADWEYNAHA | (Daawo)
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Camey oo Shir ka daahfuray Garoowe (Sawiro)
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)

Suuqa Bosaaso ayaa manta xirnaa kadib markii ay ganacsatadu ay sheegeen in wasaarada maaliyada Puntland ay ku soo rogtay Canshuur 50 doolar oo laga qaadayo meheradaha ganacsi ee suuqa ku yaala iyo shaqaalaha ushaqeeya oo iyana laga qaadi doono lacag dhan 12 doolar.

xirnaanshaha suuqa waxa ay saamaysay dadkii danyarta aha ee ka adeegan jiray bakhaarada raashiinka iyo dhalainyaradii ka xamaalan jirtay suuqa.

majirto ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay wasaarada maaliyada Puntland oo ku aadan cabashada ganacsatada suuqa Bosaaso

qaar kamid aha ganacsatada oo lahadlay Daljir ayaa sheegay in arintan ay si faah faahsan uga hadli doonaan maalinta beri ah.

Dhowr jeer oo hore sidan oo kale wasaarada iyo ganacsatada waxa ay isku maan dhaafay Canshuur lagu soo rogay ganacsatada oo xad dhaaf ah.
Xasan Heykal,Daljir Bosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: