Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Camey oo Shir ka daahfuray Garoowe (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Camey oo Shir ka daahfuray Garoowe (Sawiro)

Madaxweyne ku-xigeynka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxamed Adan K

WARKA FIIDNIMO | CABDIXAKIIN XUSEEN XASAN | DALJIR GAROWE
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Shir looga hadlayay Qorshaha Horamarinta Guddiga doorashooyinka PL oo Garowe kuso dhamaaday (dhegayso+Sawiro)

Madaxweyne ku-xigeynka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxamed Adan Koofi ayaa maanta magalada Garoowe si wada jir ah uga furay Shirka Sedax billaha ah ee Hay’adda Socdaalka oo markii ugu horeysay Garowe lagu qabtay.Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in uu bilowday shirar sedax bilaha ah oo ay Hay’adda ku qabaneyso xarumaha ay ku leedahay laamaha dowlad goboleedyada, isagoo intaa raaciyay in magalaada Garoowe ay nasiib u heshay in shirkii ugu horeyay lagu qabto.

Madaxweyne ku xigeynka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey ayaa sheegay in howl wanagsan ay ka socoto Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadd, shirka maanta Garoowe ka furmayna u yahay mid la iskula xisaabtamayo waxyaabihii qabsoomay sedaxdii bilood ee la soo dhaafay iyo caqabada lala kulmay, isagoo intaasi ku daray in arintaasi ay tahay muuqaalka lagu yaqaanno nidaamka dowladnimada.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen agaasimayaasha laamaha Hay’adda ee dowlad goboleedyada dalka ayaa socon doona muddo labo cisho ah, iyadoo looga hadli doono waxyaabihii u qabsoomay hay’adda iyo caqabadaha lala kulmay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: