Ciidamadda Xoogga Dalka ee Gaalkacyo oo lacag Guddoonsiyaay Gabar Xanuunsan (Sawiro)

Ciidamadda Xoogga Dalka ee Gaalkacyo oo lacag Guddoonsiyaay Gabar Xanuunsan (Sawiro)

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Qaybta gobolka Mudug ayaa maanta deeq lacageed oo Gaaraysa $1,010 Dolar ( Kun iyo Toban Dolar), ku wareejiyey Imaan C/raxmaan Maxamed oo ah gabar Xanuunka kansarka uu ku dhacay.

Askartan ayaa lacagta ay ugu deeqeen Imaan C/raxmaan Maxamed waxay sheegeen inay kasoo jareen Mushaarkooda waxaayna Fariin u direen haweenka gobolka Mudug iyagoo sheegay in laga doonayo inay caawiyaan gabadhaas.

Iimaan ayaa magaalada Gaalkacyo maalmihii lasoo dhaafay Warbaahinteeda looga ururinayey lacag taasoo ay qaybta ugu weyn ka gaysteen Dusiga Hoose dhexe iyo Sare ee gobolka Mudug.

Dr.C/qaadir Maxamuud Jaamac (Dhagacade),ayaa uga mahad celiyey Ciidamadan Garashadooda gabadhaasi ay ugu talagaleen inay qayb ka qaataan dhaqaalaha loogu ururinayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com