AUN Cabdifataax Maxamed Cali (ina Rotman) iyo kulankiisii ugu danbeeyey ee saxaafadda Buuhoodle: “Puntland waa innaga, innaguna Puntland baan nahay”

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

AUN Cabdifataax Maxamed Cali (ina Rotman) iyo kulankiisii ugu danbeeyey ee saxaafadda Buuhoodle: “Puntland waa innaga, innaguna Puntland baan nahay”

Habeenkii 1da Ogoosto, Alle ha u naxariisto e waxaa magaalada Buuhoodle ku geeriyooday Cabdifataax Maxamed Cali (Ina Rotman), oo lala beegtay qarax is

Baarlamaanka oo Ansixiyey Heshiiska Dowladda Dubai ee Dekedda Bossaso
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay ciidamada Booliska Puntland
Faahfaahin dagaalkii kharaaraa ee maanta iyo saraakiil Somaliland oo ku hoobtay

Habeenkii 1da Ogoosto, Alle ha u naxariisto e waxaa magaalada Buuhoodle ku geeriyooday Cabdifataax Maxamed Cali (Ina Rotman), oo lala beegtay qarax ismiidaamin ah. Weli waxaa socdo baaritaano ku aadan meesha uu ka yimid isqarxiyuhu, cidda Buuhoodle keentay, meesha uu ku dagey, magaalada uu ku soo hakaday, dadka masaajidka kula tukan jirey, iyo dhammaan macluumaadka la xiriira imaanshihiisa iyo hagayaashiisa.

Qaraxii kabacdi, subixii 2dii Ogoosto waxaa dhimashada marxuunka ka tacsiyeeyey Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, laakiin daqiiqado kabacdi waxaa tacasidaas diiday madaxweynihii hore ee Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel), asaga oo wareysi uu siiyey madasha #60 uu weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Buuhoodle ku eedeeyey isla maamulka Somaliland ee tacsiyeey.

Hadana maalin kabacdi, galabnimadii 3da Agoosto, waxaa Puntland TV ka hadlay Madaxweyne Kuxigeen Camay, asaga oo ka jawaabaya tacsida Somaliland ee qaraxii lala beegsaday nin-doorka Buuhoodle, ayna ku dhinteen Cabdifataax ina Rotman iyo Axmed Maxamuud Doolaal, waxa uuna yiri, “haddaaba adigu soo abaabushay sabab aad tacsi uga dirtaa ma taalo.” Camay ayaana si bareero ah qaraxa Buuhoodle ugu eedeeyey maamulka Somaliland.

Hadaba aan idin la wadaagno sabab kamid ah sababaha loo beegsan karo Cabdifataax Ina Rotman, annaga oo idin la qaybsaneyna shirkiisii jaraa’id ee ugu danbeeyey, uuna ku qabtay isla magaalada Buuhoodle. Laakiin aan marka hore idin la qaybsano ereyo muhiim ah oo uu ka yiri shirkaas jaraa’id.

Cabdifataax waxa uu xiriir dhow la lahaa Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Kuxigeen Camay. Waxa uu si joogto ah qayb uga ahaa hormuudka dadka deegaanku u igamadeen soocelinta iyo dib-u-xoreynta gobolka Sool. Asaga oo taas ka duulaya, waxa uu shirkaas jaraa’id ka cadeeyey dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen:

  1. In la dhameeyey khilaafkii reer Buuhoodle diyaarna loo yahay xoreynta gobolka Sool, deegaankuna uu qayb ka yahay halganka xoreynta gobolka Sool oo laga xoreynayo Soomaali-diidka, hormuudna ay ka tahay dowladda Puntland iyo abaabulka Tukaraq
  2. In Xoreynta gobolka Sool ay qayb ka tahay hadafka mideynta Soomaaliya, laguna raadinayo “midnimo dhab ah oo ay yeelato Soomaaliya, nimankaas Soomaalinida iyo wadajirka Soomaaliya diidana looga soo horjeedo, hoggaanka hawsha wadana lagula shaqaynayo, qaybna laga noqonayo”
  3. Cabdifataax oo ka jawaabaya su’aal doorka madaxda Khaatumo ee xoreynta gobolka Sool waxa uu yiri, “ma ahin qayb bannaanka ka ah Puntland oo la shaqeyneysa, Puntland waa innaga, innaguna Puntland baan nahay. Wax naga dhexeeya oo farqi ah oo gaar ah ma jiraan. Xagga kale ma nihin taageerayaal ma nihin; dadkii qaddiyada iska lahaa baanu nahay.”

Hoos kaga bogo hadaladii ugu danbeeyey ee Marxuun Cabdifataax Maxamed Cali (Ina Rotman).

Cabdifataax ina Rotman iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo ku dhintay Qaraxa Buuhoodle (dhegayso)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: