Faahfaahin dagaalkii kharaaraa ee maanta iyo saraakiil Somaliland oo ku hoobtay

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Faahfaahin dagaalkii kharaaraa ee maanta iyo saraakiil Somaliland oo ku hoobtay

Xogaha Daljir ka heleyso dagaalkii kharaaraa ee shalay shantii galabnimo ka bilowday magaalada Laascaanood istaageyna maanta duhur kabacdi ayaa warark

AN EXCLUSIVE INTERVIEW WITH MP KULANE ON THE KEEN INTERNAL AND EXTERNAL CHALLANGES SOMALIA FACES TODAY
Todobaadkan & halganka SSC-Khaatumo iyo degaanada oo xasilloon
Oday Xuseen Shiikh Maxamuud: Caqabadaha Haysta Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya

Xogaha Daljir ka heleyso dagaalkii kharaaraa ee shalay shantii galabnimo ka bilowday magaalada Laascaanood istaageyna maanta duhur kabacdi ayaa wararkii ugu danbeeyey tibaaxayaan in weerar culus ay soo qaadeen ciidamada Somaliland ee fadhigoodu yahay Goojacadde. Weerarka ayaa ku biloowday hoobiyayaal iyo madaafiicda ridada dheer oo ay Somaliland la beegsatay magaalada iyo furamaha hore ee difaaca.

Ciidamada difaaca SSC oo ka jawaabaya weerarka ayaa difaac culus kala horyimid ciidamada Somaliland, khasaaro baaxad lehna u gaystay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil SSC oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

Isla saraakiishaas ayaan noo xaqiijiyey in ciidamada difaaca SSC oo ka hortagaya madaafiicda Somaliland ay dhankooda madaafiic la beegteen taliska Goojacadde ee hagayey madaafiicda magaalada Laascaanood lagu garaacayo. Saraakiisha SSC ayaa noo xaqiiiyey in khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray saraakiishii Somaliland ee taliska ku sugnaa.

Saraakiisha dhaawacmay waxaa kamid aha Janaraal Cabdi Dheere oo ahaa afhayeenkii ciidanka Somaliland. Waxaa kale oo dhaawac ah Sarkaal Axmed Kayse, Taliye Maxamed Daahir Jibril (Sharbi) iyo Saraakiil kale oo aan weli magacyadooda la shaacin. Saraakiisha dhimashadooda illaa iyo hadda la soo wariyey waxaa ugu horreeya Taliye Aakhiro oo asagu muddo ku sugnaa Laascaanood.

Somaliland oo badana saraakiisha ciidamadu ay qabanjireen warbixin xaalka dagaalka ayaan maanta warkooda la maqal; laakiin war saxaafadeed hadda ka soo baxay ‘wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland’ ayey Somaliland ka codsatay Dawladda Mareykanka in ay “Puntland ka dhaadhiciso in ay joojiso ciidamada isdabajoogga ah ee ka imaanaya deegaankeeda.”

Dhanka khasaaraha madaafiicda Somaliland ay u geysteen Laascaanood waa kuwo isugu jira dhimasho labo qof oo shacab ah iyo burbur hanti dawlo iyo mid shacab oo ay kamidyihiin xaruntii Dabdamiska Laascaanood iyo xafiisyo Dawladda Hoose.

Diiwaanka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: