Madaxweyne KX Camay oo ka jawaabaya tacsida Muuse Biixi: “Tacsida Hargeysa waa Crocodile Tears … oo al-Shabaab magaalada dhexdeeda bay joogaan oo masaajido ku leeyihiin” (daawo)

Madaxweyne KX Camay oo ka jawaabaya tacsida Muuse Biixi: “Tacsida Hargeysa waa Crocodile Tears … oo al-Shabaab magaalada dhexdeeda bay joogaan oo masaajido ku leeyihiin” (daawo)

Madaxweyne Kuxigeenka Puntand, Injineer Camay, oo ka jawaabaya tacsida Somaliland ee qaraxii lala beegsaday nin-doorka Buuhoodle, ayna ku dhinteen Cabdifataax ina Rodman iyo Axmed Maxamed Doolaal, ayaa yiri, “haddaaba adigu soo abaabushay sabab aad tacsi uga dirtaa ma taalo.” Camay ayaana si bareero ah qaraxa Buuhoodle ugu eedeeyey maamulka Somaliland.

Madaxweyne Camay ayaa yiri, “Al-Shabaab waxaa laga hagaa Hargeysa, waxaana ka warhaynaa in ay magaalada dhexdeeda joogaan, masaajido leeyihiin, meelo badan oo kalena ay xarumo ku leeyihiin. Wax badan baan qayliney laakiin dowladda Soomaaliyeed iyo umadda Soomaaliyeed hawshaas marnaba si dhab oo xaqiiqa ah ugama ay hadlin.”

Madaxweyne Camay oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray in maanta ninkii shaki kaga jiro uu ku tusaale qaato Cabdifataax oo ahaa mutacalin leh aragti fog, kana yimid koonfur iyo hoyga Shabaabka, in markii uu Buuhoodle u yimid xoreynta Sool, lala beegsaday qarax ismiidaamin ah. Marka sababta Cabdifataax loogu dilay Buuhoodle waa mid aan mugdi ku jirin, waana mid muujineysa in Somaliland ay maanta tahay tan al-Shabaab dabada ka wadda.

Hoos ka daawo Camay oo ka jawaabaya tacsida Muuse Biixi.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo la hadlay Puntland-TV ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Cabdifitaax Maxamed Cali iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo habeennimadii khamiista ku nafwaayey qarax lagula beegsaday degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, waxaana uu qaraxaasi ku eedeeyay maamulka gooni u goosadka ah ee Hargeysa.

Posted by Warbaahinta Dawladda Puntland PLTV on Thursday, August 2, 2018

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com