Cabdifataax ina Rotman iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo ku dhintay Qaraxa Buuhoodle (dhegayso)

Cabdifataax ina Rotman iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo ku dhintay Qaraxa Buuhoodle (dhegayso)

Sidii aan warkeenii hore idin kula qaybsanay, waxaa caawa qarax ismiidaamin ah lala beegsaday masuuliyiin iyo indheergarad reer Buuhoodle ah. Bartilmaameedka ismiidaaminta ayaa ahaa masuuliyiin baabuurka saarnaa oo kala ah:

1. Cabdifataax Maxamed Cali (Rotman) oo soo noqday lataliyaha Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo arrimaha siyaasadda uu kala talin jirey, kuna dhintay qaraxa
2. Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Khaatumo, oo asna ku dhintay qaraxa, iyo
3. Korneel Cabdiraxmaan Cabdilaahi Axmed Nuur (Afweyne) oo kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Cayn, uuna soo gaaray dhaawac fudud
4. Yuusuf Cismaan Baxnaan “Dhagcas” kana mid ah cuqaasha Buuhoodle oo asna dhaawac fudud soo gaaray

Hoos ka dhegayso.

Warkii 1aad ee qaraxa Buuhoodle

Ismiidaamin Buuhoodle iyo Cabdifataax Rotman oo qaraxa ku dhintay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com