Askarigii u horeeyay oo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo laga helay Coronavirus

Askarigii u horeeyay oo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo laga helay Coronavirus

Askarigii u horreeyay oo ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa laga helay Cudurka saf mareenka ah ee Coronavirus.

Sida wararku sheegayaan Askarigan ayaa u dhashay dalka Uganda, waxaana uu ka howl galayay Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

Askarigan ayaa la sheegay in aanu muddo lix bilood ah ka bixin Soomaaliya, taasoo ka dhigan in cudurka uu ku qaaday gudaha dalka.

Cudurka Coronavirus ayaa kiisaska laga helay Soomaaliya uu gaaray in ku dhow in ka badan 500 oo ruux, waxaana u dhintay illaa 32 ruux, sida Wasaaradda Caafimaadka caddeysay.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan illaa 22 kun oo askari qeyb ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana dhowaanahay jiray tallaabooyin caafimaad oo howlgalka AMISOM uu qaaday, kaasoo ka dhaqan galay xarumaha ciidamada sida goobaha la dhigo faraxalka, saabuun iyo waliba goobo lagu karantiilo dadka looga shakiyo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com