Madasha Xisbiyada oo qoraal u diray Madaxda dowladda, walaacna ka muujiyay xiriir ka dhaxeeya NISA iyo Shabaab

HomeWararka

Madasha Xisbiyada oo qoraal u diray Madaxda dowladda, walaacna ka muujiyay xiriir ka dhaxeeya NISA iyo Shabaab

Warqad ay Madasha Xisbiyada Qaran u direen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa

Ahlusuna iyo Galmudug oo Ku Dagaalamay Galgaduud.
Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo mudeeysay wakhtiga la qaadayo Imtaxanadka shaahdiga ah
Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Warqad ay Madasha Xisbiyada Qaran u direen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa lagu muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan warbixino iyo xogo dhowaan la soo saaray ee ku saabsanaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Hey’adda NISA iyo Al-Shabaab.

Warqadan oo ku taarikheysan 19 April ayaa ciwaan looga dhigay Warqad Sir ah, iyadoo xiriir aanu la sameynay Madasha Xisbiyada ay inoo xaqiijiyeen jiritaanka warqada, balse aanay dhankooda ka bixin warqada ay u direen dhinacyada ay ku socodsiiyeen ee Madaxda Qaranka iyo Xeer ilaalinta.

Madasha ayaa illaa shan qodob u soo jeediyay Madaxda ay warqada u direen sida in baaritaan madax bannaan oo degdeg lagu sameeyo dilkii Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Allaha u naxariistee Eng. C/raxmaan Yariisow oo weerar ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 24 bishii July uu ku dhaawacmay dabadeedna 1 Agosto dhaawici soo gaaray u geeriyooday.

Sidoo kale in baaritaan lagu sameeyo qoraalo laga sawiray WhatsApp oo la sheegay inuu ahaa wada shakeysi dhex maray Sarkaal ka tirsan NISA iyo Al-Shabaab, inkastoo warkaas oo ay qoreen Warbaahinta Kenya ay dowladda Soomaaliya beenisay.

Madasha Xisbiyada ayaa u soo jeedisay Madaxda ay warqada ku socodsiisay in Hoggaanka NISA laga fogeeyo Siyaasiyiinta leh ujeedooyinka siyaasadeed, loona dhiibo farsamayaqaano ku xeel dheer Sirdoonka iyo Amniga Qaranka oo macnaheedu yahay in laga qaado xilka Fahad Yaasiin Taliyaha Hey’adda NISA.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in warbaahinta baraha bulshada NISA, gaar ahaan Twitterka aan loo isticmaalin meel lagu fushado dano gaar ahz laguna marin habaabiyo ra’yi Shacabka, laguna buunbuuniyo xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo laga leeyahay dano khaas ah.

Marka laga soo tago eedeymaha ku xusan warqada, hadana waxaa layaab ah in Madashu soo qaadatay warbixinadii dhowaan ay qoreen Wargeysyada Kenya oo markii damba la ogaaday inay been abuur yihiin.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: