Alshabab oo ku Faaftay Deegaano Kenya iyo Barakac Socda

Alshabab oo ku Faaftay Deegaano Kenya iyo Barakac Socda

Shacabkii ku noolaa degaan xeebeeddka Lamu ee dalka Kenya ayaa bilaabay inay ka barakacaan Guryahooda kaddib markii ay kordheen Weerarada ay al-shabaab ku heyso degaankaas.

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka degaanka ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay ka baxay degaanka Lamu, waxayna sheegeen iney dareemeen cabsi xoogan oo ay ka qabaan iney dilaan xoogaga Al-Shabaab.

Qoysaska barakacaya ayaa ka argagaxsan weeraro maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degaano ka tirsan Jasiirada Lamu kuwaasoo lagu dilay dad Kenyan ah oo guryahooda lagala soo baxay.

Meydadka 9 qof oo la gowracay ayaa la soo dhigay degaanka Jim Habeenkii Jimcaha ee ina dhaafay kuwaasoo ay laayeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana ka sii horeeyey arbacadii oo isla degaankaas lagu
dilay afar askari oo Kenyan ah.

Dowlada Kenya oo u muuqata iney ku jahwareersan tahay qaabkii ay Al-shabaab uga adkaan laheyd ayaa shaacisay shalay in bandow lagu soo rogay saddex magaalo oo ay ku jirto Jasiirada Lamu.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadii amaanka Kenya ee ku sugnaa Jasiirada Lamu ay qeyb ka noqdeen dadka barakacaya, taasoo ka dhigan in Al-shabaab ay qarka u saaran tahay iney si buuxda ula wareegto degaanka Lamu.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com